Hargaysa(wajaalenews) waxaa xalay xili goordanbe ah dagaal ku dhexmaray magaalo Xudeedeeda Tog- Wajaale cidaamada nabadgalyada Somaliland iyo kuwa Ethiopia ee loo yaqaan liyuu policeka, isku dhacan ayaa sida uu shabakadan wararka ee wajaalenews u sheegay qof goobjooge ah oo ku sugan magaalada Togwajaale in uu ka dhashay khasaare nafeed iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo katirsan ciidanka Liyuu policeka sidoo kalana gacanta lagu dhigay mid ka mid ah ciidamada liyuu policeka.
Isku dhacan ayaa yimid ka dib markii ay xududdka ka soo talaabeen ciidanka Loo yaqaan Liyuu Policeka oo si sharci daro ah uga soo talaabay xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo Ethiopia halkaasna ay ka bilaabeen in ay ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah, iyaga oo u gaysta faldambiyeedyo iskugu jira dhac iyo kufsi.
Si kastaba ha, aheetee xukuumada Somaliland Ayaan wali ka hadal iyada oo falalka noocan ah ay soo noqnoqdaan iyada oo guud ahaan xuduudka udhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ay hore uga dheceen falal aad u fool xun oo ay ka gaysteen ciidamada Ethiopia ee loo yaqaan Liyuu Policeka.
Kala Soco Wajaalenews wixii war ah ee ka soo korhdha