WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah; Gudoomiyihii Sariflayaasha Oo ku Dhex Geeriyooday Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa.

HARGAYSA(W,N) Alle ha Unaxariistee Waxaa Xalay Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa ku dhex Geeriyooday Marxuum Cabdilaahi Cali Bare oo kamid ahaa Sariflayaasha waawayn ee dalka islamarkkaa uu shalay sifo sharciga baarmarsan xabsiga ugu taxaabay taliyaha ciidan boolista Cabdilaahi Fadal Iimaan,

Hada wararka aanu ka helayno dhacdadan ayaa sheegay in marxuumku Saaka Aroortii Hore ku dhex geeriyooday iyadoon la garayn sobobta keentay iyo sida ay wax dheceen

Dhana kale ehelada marxuumkan ayaa walaac kamuujiyay sida wax udhaceen sidoo kale waxay sheegeen in ay dalbanayaan baadhis lagu sameeyo maydkiisa

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid shaki abuuraya iyadoo ilaa shalay xukuumadu jeelka u taxaabay 10 qof oo kmaid sariflayaasha magaalada hargaysa iyo masuul kamida shirkada telesom.

Wixii kasoo kordha dhacdadan kala soco wajaalenews,

Exit mobile version