HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa canbaaro Shantii Galabnimo uu dab Qabsaday Guri ku yaala Galbeedka Magaalada Hargaysa Agagaarka Iskuulka Boodhinka ah Ee AMAANO Gurigan oo ahaa guri sandaqada ( Jiingada) kaasi oo gabi ahaanba shufbeelay uuna ku dhex gubtay wiil yar oo Afar jir ah kaasi oo halkaa ku naf waayay .
Wiilkan yar ayaa sida la sheegay xiliga dabku qabsaday ku dhex jiray guriga sidoo kale waxaa dhaawacyo kazoo gaadheen laba qof oo kale xiligan uu guriga dabku ka kacay ayaa la sheegay in hooyada umadkan kan dhashay ay ku maqnayd suuqa
Sidoo kale waxaa gurigan ku shufbeelay wixii agab yaalay guriga oo aan waxba laga badbaadin
Ciidamada dabdamiska ayaa mar danbe soo gaadhay xiligaasi oo daminta dabka gurigan ka kacay ay bakhtiintiisa ay la tacaalayeen dadka shacabka ee ka agdhow gurigan gubtay waxayna ciidamda dabdamiska amkii ay goobta soo gaadheen xaga custibaalka usoo qadeen ilmihii yaraa eek u shufbeelay guriga iyo laba qof oo kale oo dhaawac kazoo gaadhay kuwaasi oo mid yahay ilmahan yare e ku geeriyooday kii ka yaraa oo ay walalaalo yihiin,
Wiilkan oo lix jir ahaa ayaanay indhaha aadmigu qaban karayn sida uu dabku u halakeeyay isaga oo guud ahaan jidhkiisu karsamay oo isu badalay hilib cas.
Wali lama xaqiijin sobobta dhabta ah ee keentay gubashada gurigan balse dhacdadan ayaa inta badan ka dhalata dhinaca korontada .
WAJAALENES DESK
HARGAYSA OFFICE