WAJAALE NEWS

Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo Caawa Wareegto Madaxweyne Ka soo saaray Qorshaha Deg-dega ah Ee Joojinta Sicir-Bararka Dalka. Iyo Halka Aanu Dhaafi Karin Sarifka Boqolka Dollar

Taariikh: – 24/01/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/WM/222-4504/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka.

Madaxweynuhu:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Hargeysa

Ku: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hargeysa

Ku: Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Hargeysa

Ku: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Hargeysa

Og: Dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Fadhiyadooda

Og: Dhammaan Agaasimeyaasha Guud ee Dawladda Hargeysa

Og: Dhammaan Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka Fadhiyadooda

Og: Guddoomiyeyaasha Ha’yadaha Dawladda Hargeysa

Og: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Hargeysa

Og: Shir-guddoonka Golaha Wakiilladda JSL Hargeysa

Og: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Hargeysa

Og: Madaxweyne ku-xigeenka JSL Hargeysa

 

Ujeeddo: Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka

 

Mudanayaal,

Tix-raac Go’aankii Golaha Wasiirrada ee tirsigiisu yahay Lr. 212aad kuna taariikhaysnaa 24/01/2017, kaasoo lagaga dooday laguna falanqeeyey daraasaad qoto dheer oo ay soo bandhigeen Guddidii aan u xil saaray qiima dhaca Shilinka Somaliland. Gabagabadii Kal Fadhigaa Aan Caadiga Ahayn, waxay dhamman xubnaha Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen kuna taageereen in la qaado tallaabooyinkan deg-dega ah ee lagaga hor tagayo sicir-baraka iyo qiima dhaca Shilinka Somaliland.

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qodobadii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, kuwaas oo ah qorshaha deg-dega ah ee joojinta sicir-bararka, waana sidan:

 

 

 

Guddidaasi waxay si wada jir ah u xaraashi doonaan lacagaha US Dollar-ka ah iyo Shillinka Somaliland, si ay isugu dheeli-tiraan baahida Dollar-ka iyo Shillinka Somaliland, una suurta-geliyaan heer ay is leekaadaan labada baahiyood ee Shillinka iyo Dollar-ka (Demand and Supply Equilibrium).

 

Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:

 

Ugu dambayn, waxaan farayaa dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.

 

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Exit mobile version