WAJAALE NEWS

IMISA QOF AYEY SAAMAYSAY ABAARTU WAA SU,AAL TAAGAN .

ANIGA    ah muwaadin reer Somaliland ah waxan doonayaa in aan halkan ka dhiibto  wixii aan kaga qaybqaadan lahaa abaaraha  ka dhacay Somaliland ee saameeyey gobolo badan oo ka mid ah dalka iyo dad badan. Oo xoola dhaqata ah.  Sidaan la wada socono waxaad hadh iyo habeenba arkaysaan  qaylo dhaanta ka socota baraha is gaadhsiinta oo  gudo iyo dibadba leh.   Taasi oo dhamaanba dadka reer Somaliland ay fadhiga ka keceen ilaa ardaydii nin waliba waxa uu hayey wuu dhiibayaa si loo gargaaro walaalaheenan abaartu saamaysay.

Hadaba maxaa dhimin ee aan lays waydiin  xanaanteedana ay leeyihiin dawlada iyo aqoon yahaynka Somaliland meelkasta oo ay joogan.  Waana su aal taagan manta

Su aasha manta taagani waa dadka side  wax loogaadhsiinkaraa

Anigu waxan abaaraha  ku darsanayaa  talo aan u arko in ay xakamayn karto  ama lagu wada gaadhi karo dadka abaaruhu saameeyeen ee xooluhu ka dhamaadeen. Si inta ay ka soo banayaan abaarta  lagu daryeeli karo laguna ogaan karo dadka baahan ee xoola dhaqatada ah  dhamaan gobolada Somaliland .

Waxan ka soo horjeedaa nidaamka imika wax loo qaybinayo oo aan ahayn nidaam wax lagu dawaynkaro tusaale ahaan baabuurbadan oo raashin lagu qaado oo qofba wax looga tuuro maaha mid sax ah waayo bariba wuu baahay yahay qofkii aad gadhiga ugu tuurtay jawaanka,  waxa kale oo iyadana dhib ah in aan la kala ogaan qofkii  dhibtu taabatay iyo kii ladnaa,  waxa kale oo ay keeni kartaa in  boobka dhaco marka wax laqaybinayo oo dadka jilicdasan aanay waxba gaadhin.

Gudida abaaruhu inta anay talaabo kale qaadin waa in ay gobolkasata ka furan kaam dadka lagu diwaan galiyo  abaaruhu  ku dheceen lagun quudiyo inta  laga baxayo abaaraha.

Dadka  xooluhu ka dhamaadeen   lagu wacyi galiyo in qofkasta  iska diwaan galiyo kaamka ugu dhaw si loo gaadh siiyo mucaawinada

Kaamamku waxay inaga caawinayaan in qofkastaa mudo qaato  mucaawinada inta laga baxayo abaaraha

In hadhow dadka dib u dajin loogu sameeyo xooluhu ka dhamaadeen

In la helo qiyaasta iyo baaxada ay leedahay abaartu eek a jirta dalka.

 

QALINKII SACAD MAXAMED

Exit mobile version