WAJAALE NEWS

Britain oo “heshiiska ugu horeeya ee ganacsi” la galeysa Trump.

britanHargeisa(WJN):-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa muujiyay inay kalsooni ku qabaan in UK ay noqoto dalka ugu horeeya oo heshiis ganacsi oo xor ah la gala maamulka Trump.

Hadalkaasi wuxuu jeediyay ka dib kulan uu la yeeshay xubno sare oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka.

Intuu socday ololihii Britain ay uga baxday Midowga Yurub, Obama ayaa ku hanjabay in ay dalka safka ugu dambeeya ku jira noqonayaan Britain haddii ay EU ka baxdo.

Britain oo heshiiska ugu horeeya la galeysa Trump

Gargaarka degdegga ah ee marka uu weerar argagixiso dhaco

Obama ayaa xilligaasi digniin siinayay siyaasiyiintii u ololeynaayay in Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Gudoomiyaha guddiga xiriirka caalamiga ah ee Sanetka Mareykanka, Bob Corker, wuxuu sheegay in heshiis ganacsi oo ay la galaan Britain uu yahay muhiimadda koobaad ee Trump.

Mr Johnson wuxuu sheegay in heshiiskasta oo ay wada saxiixdaan ay ka faa’idayaan Britain iyo Mareykanka.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

Exit mobile version