WAJAALE NEWS

Alow Yaa Cigaal Uga Warama Caawa Waxa Jooga” W/Q: Muj” Cali Xaraaro

Dabayaqadii sanadkii 1998 waxa Magaalada Berbera gaadhey wefti Uu hogaaminey AHN m/weyne  Cigaal

Waxa ka mid ahaa weftigaas  Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa Wasiirka qorsheynta ee xukuumadii AHN m/weyne Cigaal, habeenkii Sedexaad ee weftigu u hoydo Magaalada Berbera waxa ismaan Dhaaf xoogani dhexmaray AHN

M/weyne Cigaal iyo Axmed Siilaanyo ka dib markuu Axmed Siilaanyo u yeedhey boqol odey oo Ka soo beesha Habar Jeclo isagoo Axmed Siilaanyo doonayey inuu ku Qaabilsiiyo AHN m/weyne Cigaal Hase yeeshee AHN m/weyne ayaa Ka diidey Axmed Siilaanyo inuu Berbera ku qaabilo odayaasha Waxaanu u sheegey Axmed Siilaanyo inuu magaalada Burco ku Qaabilo doono, isla markaana AHN M/weyne wuxuu gurigii uu Degenaa oo kala duwanaa oo ka Soo jeedey deegaanka Berbera,

Intaasi markay dhacday Axmed Siilaanyo xaga magaalada Burco Ayuu markii waagu beryey u baxay AHN m/weyne Cigaal iyo weftigii Kale ayaa iyaguna barqadii u Baxeen xaga Magaalad Hargeysa

Taasoo sida ay ka turjuntey ay

Ahayd xanaaq iyo khilaaf soo dhex Galay lana dabooli kari waayey

AHN m/weyn Cigaal iyo wasiir kiisii Qorshaynta Axmed Siilaanyo, Mudo yar ka dib Axmed Siilaanyo Wuxuu iska casiley xilkii uu hayey Waxaanu sheegey inuu siyaasada Ka fadhiistey, hadana geeridii AHN M/weyne ayuu sameeyey xisbiga Kulmiye, si kasta wax ha u soo Jireene waxay hada u eeg tahay Markaad eegto hawlaha Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye ay  Ka wadaan magaalada Berbera Sida wareejinta Dekeda iyo Madaarka iney tahay ka aarsi Siyaasadeed oo Ku socota AHN M/weyne Cigaal oo hada xabaasha Ku jira,

Exit mobile version