WAJAALE NEWS

Wafti Ka Socda Somaliland Oo La Filayo In Safar Ugu Baxo Dalka Carbeed ee Emirateka Carabta Iyo Ujeedada Safarkoogu Daaran Yahay

Hargeya(Wajaalenews)Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in wafti ka socda xukuumadda Somaliland la filayo inay safar ugu baxaan dalka imaaraadka Carabta.

Waxaana sida naloo sheegay waftigan hogaaminaya wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaana lagu wadaa inay dalka ka baxaan maalinka barri ah oo ku beegan 4-bisha December.

Ujeedada ugu wayn ee socdaalkooduna waxay daaran tahay sida naloo sheegay arrimo khuseeya ka hadalka heshiiskii ay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland iyo shirkada Dp World isla markaana lagu maalgalinayo dekeda magaalada Berbera.

Dhanka kalena wararka soo if baxaya ayaa waxa iyagu tibaaxayaan in waftigan u baxaya dalka Imaaraadka Carabta uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Gabagabadiina waftigan ayaa naloo sheegay inay sidoo kalena mari donaan dalka Kuwayd isla markaana madaxda dalka Kuwayd kala soo hadli doonaan  arrimo badan oo ay kamid tahay xoojinta xidhiidhka labada dal.

 

Exit mobile version