WAJAALE NEWS

QABYAALAD IYO QARANIMO LA ISKUMA HELO. Muj Cali Guray

Qabyaaladdu Qofka Wax ku Doonaya Ma Qiimayso keliya Waxa Shardi ah Reerka Ma Yahay Oo Wax ma Doonayaa? Cali Guray

Qabyaaalad iyo qaranimo ma wada jiri karaan. Sida maanta xaalka Somaliland yahayna qabyaaladda ayaa mudnaanta koobaad ah markaa weli qaranimo haabkeed ma hayno ee waa riyo aan weli rumoobin.

Qabyaaladda iyo qaranimadaba waan wada jecelahay oo waan wada ahaanayaa waa wax aan dhici karin. Weliba qabyaaladda marka aynu eegno heerka ay gaadhay waxa run ah in aynu dib u noqonay oo hadii ay kor-xaadsi ahaan jirtay maanta aynu badwayntii qabyaaladda hoos u sii wada muquuranay. Taas macnaheedu waxa weeye in aynu marba marka ka dambaysa ka sii durkayno oo ka sii fogaanayno qaranimo. Markaa qaranimo kuma sii socono ee waynu ka sii soconaaye , sida ay maanta ku socoto. Markaa maxaa talo ah? Hadii aan baraarugiiba (awareness) jirin talona ma jirayso waayo inay qaranimadi halis ku jirtoba waxad moodaa in aan xataa dadkii waxgaradka ahaa dareensanayn gaar ahaan siyaasiyiintii oo tolaayeey mooyee aan si kale wax ku doono garan karin. Qabyaaladdu qofka wax ku doonaya ma qiimayso keliya waxa shardi ah reerka ma yahay oo wax ma doonayaa? Haa, dee ha la siiyo oo ha lala doono. Haduu ka ugu tuugsan ee ugu xun yahay reerku xaq buu ugu leeyahay inay taageeraan waanay ku taageeraan waayo? Keliya si uu ka reerkooda ahi ka reerka kale ah uga helo ilayn hadii uu dhaco shakhsi ma dhicin ee reer hebel baa dhacay reer hebelna wuu soo baxay ayay noqonaysaa oo kii dhacay reeriisa ayaa kaftanka laga helayaaye. Inta qabyaaladda wax ku doontaa inta badan kuwii qaranimada qiimaha ku lahaa ee u lahaa maaha.

Marka ay sidaa tahay qabyaaladda ayuun baa siI furfurnaysa oo ardaayo iyo jilibo sii noqonaysa ilaa ay gaadho halka ugu hoosaysa.

Markaa waxa is waydiin leh hadii aynaan qaranba noqon karin maxaynu dawladnimona ku falaynaa mase noqon karaynaa? Anigu waan qabaa in Somaliland ay qaranimadeedu taabo geli karto laakiin waa goorma? Waxay ku xidhan tahay inay hesho hogaamiyihii runta ahaa ee gadhwadeenka ka noqon lahaa hayaanka beeshu ay ka guurayso qabyaaladda ey ugu guurayso qaranimada.

 

Cali gurey

Exit mobile version