WAJAALE NEWS

Tobanaan qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kaddib markii uu dab ka kacay goob ay ka socotay xaflad music oo ku taal magaalada Oakland.

californiaHargeysa(WJN):-Tobanaan qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kaddib markii uu dab ka kacay goob ay ka socotay xaflad music oo ku taal magaalada Oakland ee gobolka California ee waddanka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay geerida 9 qof hasayeeshee waxa ay sheegeen inay isu diyaarinayaan in dhimashadu ay sare u kacdo oo ay gaarto ilaa 40 qof.

Dabka ayaa ka kacay guri ku yaal magaalada Oakland, halkaasi oo saqafkii kore uu ku soo dumay dadkii xafladda joogay oo intooda badan da’dooda lagu qiyaasay inay ku jiraan da’da 20-ka iyo 30-ka, misana aanay u suuragelin inay halkaasi ka baxsadaan markii uu dabku ku fiday.

Madaxa waaxda dabka ee magaalada Oakland Teresa Deloche-Reed ayaa sheegtay in 50 ilaa 100 qof loo malaynayo inay goobta ku jireen.

James Nelson oo isna madax ka ah booliska deegaankaasi ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdega ay isku dayayaan in dhismaha ay ka dhigaan mid ammaan u ah in baaritaan lagu bilaabo.

Waxa uu sheegay in ay jirto suuragalnimada in dad badan ay halkaasi ku dhinteen.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version