WAJAALE NEWS

Maxaa Saboba Badalada Deg dega Ah Ee Masuuliyiinta G/Gabiley? Maxaase keenay in Isku Shaandhayn Kasta Ay Kursi Ku Waayaan Xilalka Madaxwaynuhu Magacaabo?

Isbarbar Dhiga Tirada  Mansabyada  Ay Xukuumada Siilaanyo ka Hayaan Reer Gabiley  Iyo Xilalkii ay ka Hayeen Xukuumadii Daahir Riyaale.

Halka Hoose Ka Akhri Afar Qodob Oo Sabob U Ah In Isku Shaandhayn Kasta Oo Madaxwayne Siirannyo Ku Sameeyo Golaha Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Qaranka Kursi Ku Waayaan Mansabyada Ay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ka Hayaan Masuuliyiinta G/Gabiley Iyo Mansabyadii Muga Iyo Miisaanka Lahaa Ee Ay Ka Hayeen Xukuumadii Hore Ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.

Waagii baryaaba waayo lehe waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Bushada G/Gabiley ay Mucaaradad xoogan kala hor yimaadeen Xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii Udub balse Oodi Abkaaga dhawe Taageeradii ay la barbar joogsadeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbigii Kulmiye oo Mucaarad ahaa may keenin Cadaawad Siyaasadeed oo Madaxwayne Rayaale kula kaco Xillalkana kaga qaado Masuuliyiintii Xukuumadiisa ka tirsanayd ee u dhalatay Deegaanka G/Gabiley iyo in uu yareeyo Saamigii ay Bulshada G/Gabiley ku lahayd Mansabyada Dawlada dhexe waxaase iswaydiin mudan maxay kala kulmeen Bulshada Gobolka Gabiley Taageeradii ay la garab joogsadeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbigii Kulmiye ? Ma hayaan Xillalkii iyo Mansabyadii ay ka hayeen Xukuumadii Daahir Rayaale iyo Xisbigii Udub ee ay Mucaaradka ku ahaayeen ?  Maxaa saboba badalada dagdaga ah ee Masuuliyiinta Dawlada dhexe ee G/Gabiley ? Maxaase saboba in isku shaandhayn kasta ay ku waayaan kursi ama Mansab ay ku lahaayeen Dawlada dhexe ? Aaway kaalintii Xilldhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanku G/Gabiley? Aaway Kaalintii Madaxdhaqmeedka G/Gabiley? Aaway Kaalintii Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta G/Gabiley ? Miyaanse la gaadhin waqtigii Bulshada G/Gabiley ay kalsoonida kala noqon lahayd Xilldhibaanada,Madaxdhaqmeedka Iyo Siyaasiyiinta noqday Joogaha maqan ee Danta Shaqsiga ku koobay Xillkii ay Bulshada ay u hayeen ? Miyaanse la gaadhin waqtigii Bulshada G/Gabiley ka tashan lahayd halka ay Mustaqbalka u digo roganayaan iyo Xisbiga ay Taageerayaan ?

Mudo Afar bilood gudahooda Labadii Isku shaandhaynood ee u danbeeyay ee Madaxwayne Siiraanyo ku sameeyay Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta Qaranka waxay galaafteen oo meesha ka saartay Laba Kursi oo ay ku lahaayeen Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo sida Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga oo marka horeba u madax banaanayn Shaqadii Maalgashiga ee Wasaarada Ganacsigu ku Magacawnayd halka Afhayeenkii Madaxwaynaha ay Isku shaandhayntaasi ka dhigtay la taliyaha Arimaha Sharciga ee Madaxwaynaha .

Sidoo kale Isku Shaandhayntii Labaad ee Madaxwayne Siiraanyo ku sameeyay Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta Qaranka waxay meesha ka saartay Agaasimihii  kali ahaa ee marka horba meelna lagu nasin jirin ee Wasaarado badan marba mid loo badalayay oo markii u danbaysay ku Magacawnaa Agaasimaha Hayada La Dagaalanka Cudurka HIV ( Aydhiska ) oo imika laga dhigay Aqoonyahan Abiib Axmad Cali la taliyaha Arimaha Macdanta ee Madaxwaynaha  waana la taliyihii Sadexaad ee u dhashay Deegaanka G/Gabiley iyadoo Dadka Arimaha Siyaasada u kuur gala ku tilmaameen in sabobto tahay Arimaha hoos ku xusan .

 

1: Burbur dhaqan iyo Tafaraaruq baahsan oo ku dhacay Madax Dhaqmeedka iyo Siyaasiyiinta Bulshada G/Gabiley hor joogayaasha ka ah isagoo Tafaraaruqa iyo kala qayb sanaantu ay gaadhay heer aanay awoodin in Kulan iyo Shir loo midaynsan yahay kaga hadlaan Dantooda waana ta keentay in Isku shaandhayn kasta oo Madaxwayne Siiraanyo ku sameeyo Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta Qaranka  ay Kursi ku waayaan  .

2: Xilldhibaanadii Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada ee u dhashay G/Gabiley oo noqday Xilldhibaano Caqliga, Curinta iyo fahanka Siyaasada Dantooda Shaqsiga ahi ka dabartay .

3: Siyaasiyiinta Saaxada Siyaasada Hor joogayaasha ka ah ee Xill sugayaasha ah ee Xillalkana hore u soo qabtay oo noqday Siyaasiyiin Caqliga,Curinta iyo Fahanka Siyaasadaba ay kala wayn tahay Guusha Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi .

4: Burburka Dhaqan iyo Tafaraaruqa iyo kala qayb sanaanta  ay wadaagaan Madaxdhaqmeedka iyo Siyaasiyiinta Hor joogayaasha ka ah Xisbiyada Siyaasada ee G/Gabiley waxay keentay in Masuulka la badalay uu noqday Masuul looma ooyaana oo Xillkii laga qaaday .

Ball aynu  si cad u dull joogsano Xillalka iyo Mansabyada ay ka hayaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye Masuuliyiinta G/Gabiley ee ay Taageerada badan la garab joogsadeen Waqtigii Mucaaradka ahaa iyo Maanta oo Xisbiga Talada haya uu yahayba .

1: Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada S/land

2: Wasiirka Wasaarada Warshadaha

3: Xubinta Komishanka Doorashooyinka

4: Badhasaabka Gobolka Saraar

5: Gudoomiye ku Xigeenka Baanka S/Land

6: Gudoomiyaha Gudida Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarashada

7: Afhayeenka Madaxwaynaha S/land

8: La Taliyaha Madaxwaynaha ee Arimaha Siyaasada

9: La Taliyaha Madaxwaynaha Arimaha Sharciga

10: La  Taliyaha Madaxwaynaha  Arimaha Macdanta

Mar kale ball aynu si cad u Dull joogsano Xillalkii muga iyo Miisaanka lahaa ee Xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale ee Xisbigii Ududb ay ka hayeen Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta G/Gabiley.

1: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

2; Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta

3: Taliyaha Ciidanka Qaranka S/land

4:  Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

5: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada

6: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha

7: Agaasimaha Guud ee Hayada Shaqaalaha Dawlada

8: Gudoomiyaha Hayada Abaabul ka saarka ( N D C )

9: Maamulaha Hayada Korontada Dawlada

10: Taliyaha Arimaha Dhaqaalaha ee Madaxwaynaha

11: Madaxa Baratkoolka Madaxwaynaha

12: Gudoomiyaha Gudida Imtixaanaadka Waxbarashada

13: Agaasimaha Guud ee Hayada la Dagaalanka Cudurka Aydhiska

Ugu danbayn waxaan qormadan ku soo afmeerayaa Su”aalo ku socda Madaxdhaqmeedka,Waxgaradka Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta,Dhalinyarada,Haweenka iyo  inta u damqanaysa Mustaqbalka Siyaasadeed ee Bulshada Gobolka Gabiley.

Waxaana iswaydiin mudan Aaway Hormoodkii iyo waxgaradkii Gobolka Gabiley? Miyaanay waxba iska waydiin Sabobaha keena in kolba Mansab laga qaado ? Miyaanay iswaydiinayn oo ka tashanayn Sabobaha keena in Isku shaandhayn kasta ay kursi ku waayaan Bulshada G/Gabiley? Miyaanse la gaadhin waqtigii Bulshada G/Gabiley ka digo rogan lahayd Xisbiga Kulmiye ?

WAJAALE STAFF

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version