Tan iyo markii la doortay xukuumadda uu madaxweyne Silaanyo gadh wadeenka u yahay ayaa waxa soo if baxayay tabashooyin ay muujinayaan bulshada ku dhaqanka Koonfurta magaalada Hargeysa, iyadoo tabashooyinkan iyo arrimo kale oo badan ay sababeen inay kala fogaadaan xukuumadda Silaanyo iyo Bulshadu.
Tabashooyinka ugu waawayn ee xukuumadda Madaxweyne Silaanyo uga imanayay bulshada koonfurta Hargeysa ayaa waxa kamid ahaa; Saamiqaybsiga Xukuumadda iyo Biyo La’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Koonfurta Hargeysa.
Tabashooyinkan oo ay ugu muhiimsantahay tan Biyaha ayaa waxa ay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ballanqaadyo badan ka sameysay in ay magaalada Hargeysa ka sameyn doonto biyo ballaadhin, taasi oo kamid ahayd waxyaabihii ay xukuumadda hadda jirta ku toorteen bulshada Koonfurta Hargeysa.
Xukuumadda Somaliland illaa hadda waxba kama qaban tabashooyinka dhanka adeegyada Bulshada, iyadoo dhawaan uu maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku dhawaaqay in uu joogsaday mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysa, taasi oo niyad jab kale kusii ridday bulshada.
Sidoo kale, tabashooyinka xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ay ka tabanayso bulshadani in badana ay ka hadashay ayaa waxa kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan waddooyinka oo ay kamid tahay wadada Airportka ama Madaarka, taasi oo madaxweyne Silaanyo ballan qaaday in uu dhisi doono, iyadoo dhowr jeerna uu Duqa caasimadda Hargeysa sheegay in uu bilaabi doono dhismaheeda – balse aanay weli waxba ka suurtogalin.
Dhinaca kale, arrimaha kala fogeeyay xukuumadda madaxweyne Silaanyo iyo Bulshada ku dhaqan Koonfurta Hargeysa ayaa waxa kamid ah masuuliyiinta tirada kooban ah ee ku jira xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, kuwaasi oo sii kala irdheeyay bulshada iyo xukuumadda.
Masuuliyiintan deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfurta Hargeysa oo iyagu sababta ugu wayn ku leh kala fogaanshaha xukuumadda iyo Bulshada ayaa waxa ay ku dhaqaaqeen falal si wayn ay uga gadoodeen isla markaana ay ka xumaadeen bulshada kasoo jeeda Koonfurta Hargeysa.
Falalkaasi ayaa waxa kamid ahaa; Xajkii laga joojiyay boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo isagu kamid ah shakhsiyaadka sida wayn looga ixtiraamo deegaanka, Xadhigii Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr iyo Gubitaankii Calanka Xisbiga Qaran ee Waddani.
Haddaba, waxa aynu mid mid usoo qaadan doonnaa masuuliyiinta la sheegayo inay masuuliyadda ugu wayn ku leeyihiin kala fogaanshaha xukuumadda iyo bulshada.
Wasiirka X. Xoolaha; Cabdillaahi Maxamed Daahir [Cukuse].
Wasiir Cukuse oo ah masuulka ugu tunka wayn ee ku jira xukuumadda madaxweyne Silaanyo ee kasoo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa ayaa waxa uu kamid yahay masuuliyiinta sida wayn u kala irdheeyay xukuumadda madaxweyne Silaanyo iyo Bulshada koonfurta Hargeysa.
Cukuse ayaa la sheegaa inuu farogelin ku sameeyay arrimaha hoose ee dadka deegaanka, sida inuu farogaliyay guddiyada horumarinta beesha degta Koonfurta Hargeysa iyo weliba in uu kala xayndaabay xukuumadda iyo Haldoorka Bulshada koonfurta Hargeysa, taasi oo sababtay in taageeradii bulshada koonfurta Hargeysa ay u hayeen Xukuumadda madaxweyne Silaanyo ay hoos u dhacdo.
Shakhsiyaad la rumeysanyahay in Wasiir Cukuse uu ka hor istaagay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ayaa waxa kamid ah Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo isagu haatan kamid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Wasiirk ku-xigeenka Kalluumeysiga; Cabdi Wadaad
Cabdi Yuusuf Ismaaciil [Cabdi-Wadaad] oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga ayaa isna kamid ah xubnaha qaybta ka ah kala fogaanshaha xukuumadda madaxweyne Silaanyo iyo Bulshada ku dhaqan koonfurta Hargeysa, waxaana la sheegaa in masuulkani uu kamid yahay masuuliyiinta aan doorka firfircoon ku lahayn hawlaha kala duwan ee ka socda dalka iyo deegaanka marka laga soo tago arrimaha u qaybta ka yahay ee sababay in xukuumadda iyo bulshadu kala fogaadaan.
Agaasimayaasha; Duulista Hawada iyo Ciyaaraha
Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan oo ah agaasimayaasha wasaaradaha Duulista Hawada iyo Ciyaaraha ayaa iyaguna kamid ah xubnaha sida wayn u kala fogeeyay xukuumadda madaxweyne Silaanyo iyo Bulshada koonfurta Hargeysa, waxaana la sheegaa in labadan masuul ay ka dambeeyeen dhacdooyin foolxun oo loo eekaysiiyay qaab guul-wadaynimo kuwaasi oo dadka deegaanku ay aad uga gadoodeen.
Dhacdooyinka labadan agaasime lagu dhaliilo ayaa waxa kamid ah Falkii ay maalin dhaweyd magaalada Hargeysa ka fuliyeen koox dhalinyaro ah kuwaasi oo gubay calanka Xisbiga waddani, iyadoo kooxdan dhalinyarada ah abaabulkooda lagu eedeeyay labadan nin.
Maamulaha Madaarka Hargeysa, Maxamed Yuusuf.
Maamulaha madaarka Hargeysa Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isagu ah ruuxa ugu wayn ee sida badheedhka ah u kala eryay xukuumadda iyo bulshada koonfurta Hargeysa, waxaana xusid mudan in uu ahaa Shakhsigii Xajka ka joojiyay Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo isagu kamid ah madaxda dhaqanka ee deegaanka sida wayn looga qaddariyo.
Marka laga soo tago in uu maamuluhu boqorka ka joojiyay Xajka, sidoo kale waxa uu Boqorka warbaahinta u mariyay Hadallo aad u foolxun kuwaasi oo ay si wayn uga cadhoodeen dhammaan ummadda reer Somaliland gaar ahaan bulshada Koonfurta Hargeysa.
Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale Xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr [Hargeysaawi] oo isagu soo bandhigay dulmiga iyo musuqmaasuqa ka jira madaaarka magaalada Hargeysa, waxaana xadhiga abwaanku ay sababtay in markale ay sii diddo bulshada koonfurta magaalada Hargeysa, iyadoo arintaasna ay si wayn uga gadoodeen, iyadoo ugu dambeyntii qoraaga lasii daayay kaddib markii uu xidhnaa 88-maalmood oo sharci darro ah.
Arrimahan kor ku xusan maxaa ka dhashay?
Kaddib markii bulshada koonfurta Hargeysa iyo Haldoorkoodu ay arkeen in masuuliyiinta xukuumadda madaxweyne Silaanyo ku jira ay yihiin kuwo sii kala fogaynaya xukuumadda iyo Bulshada ayaa waxa ka dashay in bulshada koonfurta iyo Siyaasiyiintooduba ay taageero u muujiyaan xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga Waddani oo ay dhawaan ku biireen Siyaasiyiinta ugu taageerada badan deegaankan – kuwaasi oo ay kamid ahaayeen; Wasiir hore Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare], Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Wasiir hore Aadan Axmed Cilmi [Dhoollayare].
Siyaasiyiinta ku jirta xukuumadda madaxweyne Silaanyo ayaa la rumeysanyahay in aanay wax taageero ah ku lahayn bulshada ay kasoo jeedaan, waana sababta keentay in masuuliyiintan ay ku kacaan falal sii kala irdheeyay xukuumadda iyo dadka deegaanka.
Maxaa looga baahnaa masuuliyiinta?
Masuuliyiinta ku jira xukuumadda madaxweyne Silaanyo ee kasoo jeeda deegaanka koonfurta Hargeysa oo loo igmaday xilal qaran oo u baahnaa in loogu adeego dhammaan shucuubta Somaliland ayaan illaa hadda muuqan yididiilo ay shacabku ugu muujiyaan taageero. Waxaana masuuliyiinta looga baahnaa in ay ugu horreyn wanaajiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada ay kasoo jeedaan iyo dhammaan shucuubta kale ee Somaliland balse waxa muuqata inay sii kala fogeynayaan xukuumadda iyo Bulshada
Sidoo kale, arrimaha la gudboonaa masuuliyiintan ayaa ahaa in ay ka hawlgalaan baahiyaha kala duwan iyo Cabashada dhanka saamiga ee ay dadka deegaankoodu tirsanayaan, taasi oo ay ugu horreyso biyo la’aanta ka jirta deegaanka Koonfurta Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa soo ifbaxaya warar sheegaya in dhawaan Isku shaandhayn lagu sameyn doono xukuumadda madaxweyne Silaanyo taasi oo la filayo in masuuliyiintan intooda badan xilalka laga tuuri doono.
Khaalid Foodhaadhi
FB:Khaalid Foodhaadhi
Hargeysa, Somaliland