”Leef oo ha liqinbaa
Lurka ii hor-seeddaye
Laabtaydaneey! Lululka iga daa!”
Ereyadii Abwaan Xasan Sheekh Muumin; Naaxiyaddii C/kariim Faarax Qaarey ”Jiir”; Codkii Hibo Maxamed Hoddoon ”Nuura”
Waxaa galabta goor dambe WhatsAppka waxaa iigu soo dhacay fariin. Markii aan furay waxaa ii baxay muuqaal indhahayga si walba u soo jiitay. Waxaa dhegtayda ku dhacay cod nadiif ah oo asalkii uu dhuunteeda dahabka ah kaga soo baxayay Fanaanadeena wayn ee Hibo-nuura, oo aan Miyuusig haba yaraadee lagu darin. Qiyaastii waa codadka tijaabada ah ee Suxufiyiintu waydiiyaan fanaaniinta goortii ay warsanayaan oo xili hore u eg.
Waa heestii ”Laalays” oo la saaray muuqaal fariinta dusha ee ay heestu wadato u eeg; Hawd jiq ah, geel iyo adhi daaqaya, Awr geeddi ah, dhiil la culayo, geel la maalayo iyo muuqaalo kale oo aanay ishu diidin. Labadaas dareen – maqalka iyo araga heestaas iyo muuqaas – waxa ay dib iigu tuureen sanado la soo dhaafay.
Horta Alle ha u naxariisto Abwaan Xasan Sh. Muumin. Cabdikareem Faarax Qaarey “Jiir” oo heestan codkeeda hawada ka sameeyeyna xushmad iyo qaddarin wayn ayaan u hayaa.
Sanadkii 2002-dii ayaan aaday magaaladda Alleybaday. Waa gu aad dhulku u rooban yahay. Aniga Abtigay iyo Xaaskiisa, iyo xaaska Abtigay kale oo qurbe ka timid, ayaa gaadhi wayn oo uu lahaa (iska rogo) ku tagnay. Dirawalka iyo wiil kale ayaa na weheliyay. Wiilka kale ninka waddada aad u garayay buu ahaa. Nasiib darro dusha ayuu gaadhiga ka saaran yahay. Kolba inta aanu joogsano ayaanu u baaqnaa. Saa isaga oo sagxadda gaadhiga isku nabaya ayuu marba madaxa la soo boodaa oo oo wadada na tusaa. Way fiicnaan lahayd in aan anigu bedelo. Laakiin qaan gaadhba markaasaan noqday. Wiil yar oo abtigii la socdana waan ahaaye wax kaga dar.
Qadawga (Hawdka) Gabiley iyo Alleybaday u dhexeeya waa jiq. Bakaylena kama dhex dusi karayo. Waxa aan aad u xusuustaa in kolba aanu gaadhiga hakino bal si aanu u hibino in Carab Laangadhe– oo isaga qudhiisu abti ii ahaa — wali uu gaadhiga saaran yahay iyo in ay dhirta garbaha isku qabatay iyo laamaha cadaada ah ee wadada afka ku qabtay ay waa hore dafeen. Toban daqiiqo oo xidhiidh ah maanu socon.
Alleybaday, Aabahay ayaanu ugu tagnay. Waxa aan aad u xusuustaa waxa aanu isna meesha ugu tagnay nin magiciisu ahaa Sulub oo ay walaalo ahaayeen gabadhii kale ee habaryarta (amaba aayada ii ahayd). Waa maalintii iigu horaysay ee aan arkay laba qof oo walaalo ah oo is garan waayay. Aabahay ayaa ku yidhi labadaa gabdhood garo. Wuu garan waayay. Gabadhiina way garan wayday. Markii la isku sheegay ayay isku burureen. Waxa ay ka mid ahaayeen tafiir aad u badan oo uu dhalay Sheekhal Baladka Magaalada oo bad bariba meel walba tafiirtiisu gaadhay. Ha kala waynaadaan haddana waxaa hubaal ahayd in ay xili hore iyo yaraan ay iskugu dambaysay.
Soo laabashadii waxa aanu soo qaadnay khudaar badan oo beer aanu meesha ku lahayn laga soo gooyay. Basal iyo kaabash ayaa u badnaa. Waxaan aad u xusuustaa in markii aanu soo laabanay in aanu aragnay khudraddii oo joonyadihii ay ku jirtay ay dhirtii xuubsatay oo wax daatay iyo wax gaadhiga ku dhex baahay ay u qaybsantay.
Dhulkii sidaa ahaa ayaan dhawaan qadawga maray. Waa dhulkii oo haawanaya. Marka aad geed balaadh joogto oo qiiqa wajaale kuu baxayo. Ama marka aad magaalo Farxaan marayso oo ay Alleybaday kuu muuqato. Dhirtii oo aad loo jaray. Dhulkii oo nabaad guuray. Aad baan uga damqaday.
Waxaa si aad ah ii qiiro galiyay wasladdan yar ee muuqaalka ah oo aan ka Mr Bouni Abdi Abeib oo Hargeysa jooga. Waxaa isoo jiitay, Codka Hibo Nuura ereyadda Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo Naaxiyadda xaadda ku joojinaysa ee C/kariim Faarax Qaarey “Jiir”.
Waxaa kale oo isoo jiitay dhulkan masnada ah ee daaqsinka wanaagsan, awrta xidhiidhka ah, adhiga iyo maqasha wada jira, Hawdka bilicda san iyo Dhiilka la cugayo, geela la maalayo iwm.
Hadddaba intaasoo isku qoofalan; Waxa aan ka quustay in aanu dhul caynkaas u eegi maanta jirin, Si la mid ah sida aan uga quustay in aanay Dad la cayn ah Abwaan Xasan, Fanaanad Hibo yo iyo Laxamkiiste Jiir haddii dhulka seef lagu soo dhameeyona aan noocooda (filkoodii hore wax aan ahayn) Soomaali looga soo helaynin! Waxa aan u hubaa sida ay u adag tahay codkaa aan maqlay in aan dib dambe u maqlo, in ay u adag tahay in aan dib dambe dhul noocaas ahna u maro. Waa lama arkaan lama maqlaan.
Miyaanay iyaba “Leef oo ha liqin”-taa uu abwaanku sheegay ahayn — qoodhiin iyo xeradiin?
Abaaraha ina helay ma yara; ee inta aynu ognahay ayaa yar. Mid diimeed baa ina heshay, mid dawladeed baa ina heshay, mid damiir baa ina helay, mid dulqaad baa ina helay, mid dugaal baa ina heshay, mid dadnimo ayaa ina heshay. Intaasiba sida dib loogu soo celiyaa aad bay u adag tahay.
Dhulka intaas baaxaddiisu ku fadhido sida in dib loo beeraa ay u adag tahay, ayay u adag tahay in fan sidii uu ahaan jiray ahna in la helaa. Soomaali waa dadka kali ah ee shalaydoodii ay maanta dhaanto. Maxaan ka hadlaa ninka xamar Soo arkay baaban ahaye!
Miyaanay isku banaanayn heesta iyo muuwaalja iyo sida ay maanta Soomaalidu u taalo.
Laalays dusheediyo
Laag iyo xaraar dheer
Laan gabi ku taaloy
Lulayaan dabayluhu
Xiisaha ku laalanee
Kalgacaylkii lumiyee
Loxoskii ku dumiyaa
Guurkii lug gooyee
Leef oo ha liqintaa
Lurka ii horseedaye
Laabtaydaneey
Lululka igadaa!
Nabaadiino
Abdirasak Salah
Email: Abdirasaksalah@gmail.com
Tell: +252634466677
Mogadishu, Somalia.