WAJAALE NEWS

Ilaahay Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Macalinkii Waynaa Nuux Axmed Ismaaciil

Hargaysa(wajaalenews)Rabi Naxariistii Jano Haka Waraabiyee waxaa maanta magaalada Hargaysa ku geeriyooday macalin Nuux Axmed Ismaaciil Oo ahaa bare caan ka ah guud ahaan dhulka Somalidu degto badina ay garanayaan qalinlayda soomaalidu,macalin Nuux oo mudo lix bilooda u jiifay xanuun asiibay ayaa u geeriyooday.

Marxuumka geeriyooday  oo 85 jir ahaa ayaa mudo ku siman 55 sano ahaa macalin dhiga xiisadaha carabiga iyo diinta isaga oo xilal ka soo qabtay iskuulo caan ka ah Somaliya iyo Somaliland,waxaanu cimrigiisa ku qaatay dhinaca tacliinta Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee.

Exit mobile version