WAJAALE NEWS

Geed loogubayo Geed, .W Q Abdiqani Salaf.

Inbadan ayaan ka hadlay Siyaasad lakiin maanta waxaan  qalinka khadka ugu shubtay inaan suureeyo deegaanka wanaagsan ee qaniga ah ee ilaahay inagu galladay hanti iyo hibo inoo siiyey Subxanahu watacalaa. Waxaan leenahay deegaan gaar ah oo aduunkaba aan kaga duwanay waxaa ilahay.

Inooga beeray deegaankeena dhir gaar ah oo qiimo badan oo waliba aynaan gacmaheena ku beerin biyo aynu ku waraabino aan inooga baahnayn oo wada geed abaareed ah.

Dhirtan qiimaha badan ee waddankeena gaarka u ah. Maanta waxaan tusaale usoo qaadan doona geedka qiimaha badan ee magaciisa loo yaqaano Galoolka waa geed haybad leh waa geed qaro iyo jirrid wanaagsan marka uu sida fiican ubaxo dhererkiisu wuxu gaadhaa 6 illaa 7Mtr,

waa geed aad uqurux badan waa geedka ugu  hadhka fiican dhirta waxa quruxda udheer waa geedka ugu ubaxa udgoon isla markaana ugu maydhaxda macaan xadhkaha ugu adagna laga sooho waa geedka ugu tiirarka adag ee dargadaha lagu dhiso.

Geedka galoolku waxa uu uleeyahay dadka iyo deegaanka iyo waliba xoolahaba manfacyo badan oo kala duwan,  Dadku waxay uga faa, idaystaan waxyaalo isugu jira daawo iyo agabka aqal somaliga waxyaabaha ugu badan ee lagu dhiso waxaa laga helaa galoolka sida xadhkaha dhigaha udubyada loolka maydhaxda oo qaabab kala duwan looga fa, idaysto sida kabadda lingaxa haamaha,

waxa kale oo dawo laga dhigta asalkiisa hadii la xanuunsado wa dawo waxyaabaha uu gaarka u daweeyo waxa ka mida calool xanuunka, iyo xanuunka caabuqa,  madax xanuunka, iyo qar kale oo badan. Cambuushiisa xiliga roobka oo iyaduna dawo ka ah buurnida xad dhaafka iyo beer subaga.

Xoolaha galoolka daaqaa wa kuwa ugu cadka iyo caanaha macaan sida darteed Xooluhu way ku noolyihiin. Galoolka waxay ka daaqaan caleentiisa xiliga guga xiliga jiilaalka waxay xoolahu cunaan ubaxiisa iyo dhimbiishiisa,  deegaanka faa, idadu uleeyahay goloolku waxa ka mida roobka oo uu soo jiito duufaanka oo aan ka dhicin iyo daacuunka oonka dilaacin halka uu ku badan yahay goloolku.

Geedkii qiimahaa aan soo sheegay lahaa ayaa habeen iyo Maalin lashidayaa oo loogubayaa in dhuxul laga dhigo lacagta dhuxusha laga helana waxaa lagu soo iibsadaa Geed ajaaniba oo loo yaqaano qaadka oo haba yaraatee wax faa’ido ah aan dalkeena iyo dadkeena toona ulahayn dhib mooyee.

Dadkii xoolo dhaqatada ahaa barigii hore dhuxusha Waxa shidi jiray dadka aan xoolaha lahayn ee caydha ah lakin maanta kuwii ugu xoolaha badnaa ayaa dhirtii qoyanayd gubaya oo ka dhigaya dhuxul waa geedkii xoolahoodo daaqayey, Waa dhirta roobka soo jiita ee hadana marku Roobku da’o biyaha dhulka u celiya hadii kale meesha bilaa dhirta ah biyuhu way dhaafayaan oo bur iyo Baad toona ka bixi maayo. Waxaa sabab u ah abaartan soo noqnoqotay iyo Roob la’aanta dhirtan ladabar jaray iyo dhulkan lawada ootay ee aan waxba laga beerayn hadana xoolihii calafkii laga ootay.

Allaah mahad leh

Exit mobile version