WAJAALE NEWS

DHIiG-MIIRAD DAHSOON! “Qiso Dhab ah”.W/Q, SHarcidoon Jimcaale Jaamac.

Maxaa miskiin-yar oo diifi ka muuqato xaqqiisa ku waayey qol yar oo la mariyey rinji-cad oo la gu sawiray mas ku wareejisan koob dhumuq-dheer !. Maxaa dil iyo dhac loo gaytay bukaan-socod oo kuwo u soo shaqo tagay  dadkeenna iyo dalkeenna ay badhida u galiyeen xabbad erbad ah oo aanay garanayn wax allaale iyo waxa ay u tarayso!. Dhiig bini’aadam iyo dheecaan sabool maxaa macaan la ma mooday oo loo soo hilloobay!. Maxaa qiimaha la ga jabiyey dhakhtar aqoon lahaa oo lagu beddelay jaahil jaajuur ah!. Muxuu indhoole usha u qabtay indhoole kale!. Maxay sharoobo raqiis ah sida biyaha u qudhqudhsiiyeen rag qaali ku ah qabiilkood!.Maxay soo daad-gureeyeen kumanaan-kun oo dawo ah oo ay  beddeleen kumanaan-kun oo dollar.

Dhiigmirad  xanuun badan oo qof walba oo adduunka guudkiisa jooga oo dareen lihi ka damqan karo ayaa ka socda jamhuuriyaddan-yar ee socod-baradka ah ee Soomaalilaan. Qof kasta oo dhiiggiisu diiran yahay, dareenkiisuna nool yahay, waxa uu dareemayaa dhibaatada cadawgiisu  u geystaan dadkiisa saboolka ah, ee aan haysan wax ay quutaan.

Sida ay waynu wada ogsoonahay dunida waxa xaaraan ka ah in laga ganacsado laba shay :caafiimaadka iyo waxbarashada, maanta Soomaalilaan labadaasi waa kuwa ugu ganacsiga badan ee laga helo kumanaan-kun oo dollar. Haddaba, qoraalkan-yar ee kooban waxa aynu ku soo qaadan doonaa sida ay dhakhaatiirta qaarkood u dhiigmiirteen  dadka saboolka ah ee aan waxba haysan. Joogso !. I soo eeg!. Ha ooyin ee ilmada cesho!.Waxa aan kuu soo bandhiggayaa qiso-yar oo dhabka oo ka dhacday caasimada Hargeysa , taasi oo aad ka dheehan karto sida ay dhakhaatiirta qaarkood u dhiigmiirteen dhiigga iyo dheecanka dadka saboolka ah.

“Wiil ayaa aabbihii xanuunsaday maalin maalmaha ka mid ah, sidii caadada ahayd waxa uu geeyey dhakhtar ka mid ah dhakhtarada gaarka loo lee yahay ee ku yaalla magaalada Hargeysa, ka dib markii uu dhakhtarkii baadhay bukaan-socodkii ayuu u  qoray saddex dawo oo uu  sheegay in ay ka iibsadaan farmasigiisa ku yaalla dhakhtarka dhexdiisa. Farmasigii markii ay  tageen inankii joogay waxa uu ku  yidhi : “qiimaha saddexda dawo marka la is ku wada daro waxa ay dhan tahay 152 dollar.” Wiilkii ayaa aad ula yaabay qiimaha aan macquulka ahayn ee la gu yidhi, intuu is ka ga tagay farsmasiigii ayuu warqadii dawada ee uu dhakhtarku qoray  u diray dhaliinyartii  joogtay dalka Turkiga, gaar ahaan Ankara ; si ay halkaas  uga soo iibiyaan dawooyin tayo leh. Dawada ugu saraysa magaceeda way akhriyi kari  wayeen dhakhtaradii loo geeyey, se labadii  dawo ee kale waxa lagu soo iibiyay 11.5, lacagta Turkiga oo u dhiganta 3 Dollar oo kaliyaata, wiilkii ayaa xaqiiqsaday in farmasiigii Hargeysa ku yaallay ee uu dawada is lahaa ka iibso loo furtayuun in lacag la ga helo, waayo? Waxa fajac iyo amakaag la noqotay qiimaha ay is dheer yihiin labadaas dawo”.

                  S-1,(Waa warqaddii uu dhakhtarku ku qoray dawooyinka. Oo laga jaray magaca dhakhtarka).

Ciil iyo caloolxumo ayaa ku qabsanaysa marka aad aragtid ficil noocaas ah, bal u fiirso qiimaha u dhaxeeya labadaas dawo, 149 dollar ayaa dheeri ku ah qofka doonaya in uu dawo ka iibsado magaalada Hargeysa, wallow aynu ogsoonahay in dawada taalla Ankara ay ka tayo wanaagsan tahay ta taalla Hargeysa.

Waa rogmad iyo rafaad la doonayo in ay galaan ummaddeenu, qolo dhiigmiirato ah ayaa u shaqo yimid dalkeenna iyo dadkeennaba, Ma jiraa qof ka hadli kara arintaas? Waa maya!. Ma jiraa qof yaqaan tirada dadka ay gacantooda ku dileen?.Waa maya. Ma jirtaa cid ka hadashay dadka dhibkan la ma illaawaanka ah geysanaya?. Waa maya, yaa laga sugayaa inay la xisaabtamaan dadkan? Mise waynu  si illowsiinnaa sidii ay hore ba isku illowsiinay?.

Waxaad is weydiisanaysaa maxay dhakhaatiirta qaarkood u dhiigmiirtaan shacabkooda? Sababta waa fududahay: waxa ay  og-yihiin in wax walba oo ay sameeyaan aan xisaab ka dambeysaa jirin Inta ay adduunka guudkiisa joogaan. Waxa aad is-waydiinaysaa maxay dhakhaatiirtu iyaga oo dhakhaatiir ah, haddana ay u furtaan farsamiiyo ay ku iibiyaan dawooyinka ay doonaan, iyada oo ay waliba mamnuuc tahay in dhakhtarku si gooniya u ga farto farsamii cisbitaalka dhexdiisa? Sababtu waa ay fududahay : waxa ay doonayaan in lacagta-yar ee uu sido bukaanku aanay meel kale u dhaafin, oo ay ka faro-maroorsadaan dhammaanteed ba.

Guntii iyo gabegabadii ma doonayo in aan halkan ka sheego dhakhtarkii ficilkaas sameeyey, waayo ? Shakhsigii aan qisadan ka soo xigtay ayey ujeeddadiisu ahayd in aan cid gaar ah la dhalleecayn, se waxa marag-madoon ah in waddankani marayo wado xun oo haddii aan waxba la ga qaban  hadhow ay adkaan doonto sidii wax looga qaban lahaa dhiigmirataaa goor iyo layl sida biyaha ugu soo qulqulaya waddanka, gaar ahaan caasimada Hargeysa. Sidoo kale, waxa aad Telefishanka ka maqlaysaa “dhakhtar hebel waxa kuu fadhiya dhakhtar ku takhasusay cudarada macaanka, dhiikarka, suuxdinta, faalliga, gaastariga, uur-ku-jirta iyo cudurrada halleela dumarka”, marka uu maankaagu is yidhaahdo bal la kulan dhakhaatiirtaas ku takhasusay xannuunada kala duwan ayuun baa lagu odhanayaa: waa hal dhakhtar oo intaas oo xannuun ku takhasusay. Waligeed adduunka kamay dhicin hal dhakhtar oo ku takhasusa wax ka badan hal xanuun, waayo? Qofku maadaama uu dhakhtar -guud yahay oo uu doonayo in uu ku takhasuso hal-cilmi-gooniya, waxa uu diyaarinayaa uun hal takhasus,  way dhici kartaa qof laba takhasusaad diyaariye se adduunka  uu ku yar yahay qof noocaas ah”.

Maanta laga bilaabo aniguna waa in aan dhakhtar noqdaa oo furtaa qol yar oo rinji-cad leh, dabadeed, aan u yeedhaa inan-yar oo cad oo meelahaa suuqa saddex bilood ka dhigaynaysay kalkaaliye-caafimaad ; si aan lacag farabadan u helo”.

 

Dhammaad .

Exit mobile version