mustaqbalka caruurtiina cidna ha amaahinina . uma jeedo siyaasi gaar ah, iyo qolo gooniya , waa iga waano bulshada somaliland
warbaahinta xorta ah waan salaamayaa , salaan dabadeed dadkani waa daalan yahay, diifttii hore ayay qabaan, dadkii ay kuwaayeen dagaaladana weli waa xasuusan yihiin, uma baahna nin siyaasi ah oo kursi doon ah oo dadka qabyaalad ku dagaal geliya, oo dictator ah, waxaannu leenahay ummad yahay aynu ka korno oo iska jirno in danta ummaadda oo dhan la dhaafsado hal qof muraadkiisa iyo dantiisa.
wallaahi siyaasigu marka laba kun oo qof oo reerkiisa ahi ay dhintaan haddii uu kursiga helayo inaanu ka walaacayn ee yaan lagu dagmin.
nina yaanu qabiil ahaan ula safan, haddii dalku dumo oo lagu kala yaaco iyagu yurub bay iska tegayaan oo maalintaas baa inoogu danbaysa.
mustaqbalka caruurtiina cidna ha amaahinina . uma
jeedo siyaasi gaar ah, iyo qolo gooniya , waa iga waano bulshada somaliland ay wada leedahay oo dhextaalla
Abdirahman hiiraan <ukuli1963@gmail.com