Waxaa baryahan danbe aad inoogu batey isku shaandheyn baa soo socota iyo isku shaandheyn baa la sameeyey. Hase yeeshee bulshada reer Soomaaliland waxaan wali la is waydiin waydiimaha ay ka mid yihiin:
-Maxay soo kordhisay isku shaandheyntii hore? Magac ku badal magac kale dal iyo dad halkeey gaadhsiineysaa? Kuwa aan xilkooda la taaban ee biri-ma geydada ahi wanaaga lagu raacey mee? Isku shaandheyntan cusubi maxayse dalka ugu filan tahay?
Markaan gabay dan uga baxo
Ama daaqsho duunyada
Dacar igu hulaaqdiyo
Qalin daar ma waayee
Maantana Hab deeqow
Wax i dubuq yidhaa jira !
Duulka aan u naqayana
Dhedaa saaran lagu dedey
Dabbaalnimana kama aha
Dhega maahsanaantuye
Wixii laga dagaallamay
Wax u dooriyaan jirin.
Anigana dacgudhantii
Gacmahaygu diirmoo
Weli dawliskaygii
Dirribuu ku dhacayaa !
Dalcadduna ma dheeree
Nimaan kaba dareen qabin
Inuu deyn ka maqanyahay
Ayaan doono lagu karin !
Maansadii Dabataxan, Maxamed Xaashi Gaarriye(IHUN)
“Hebel waa nin wanaagsan, waa kaa wasiirnimo kaga soo tuuray” ayaa ku soo dhacey dhagaha Cabdi Aadan Qays. Waxay ku noqotay amakaag iyo yaab. Madaxuu qabsadey, hareeruhuu eegay, waxaa isku qaban wayday jeelka ay ku jiraan ee ay u xidhan yihiin inay mucaarid ku yihiin Maxamed Siyaad iyo raggan siyaasiyiinta waaweyn ahaa ee guul u arkaya in xil laga qabto dawladaa. Waxay ku sugnaayeen xabsiga, waxaana qololkoogii gaarka ahaa looga soo furay si ay u dhageystaan warka idaacadii qasab ku dhageyso ee Raadyow Muqdisho. Waa warkii shanta galabnimo ee dalka iyo dibadda. Markuu eegay waayo-aragnimada ay leeyihiin iyo da’da ay joogaan kooxdan la xidhani wuxuu Cabdi Qays garansadey inay isaga intaba kaga horeeyaan. Da’ ahaan way ka waaweyn yihiin, waayo aragnimana ilaa lixdankii ayey xilal qaran soo qabteen, qaarna waabey ka horeeyeen lixdankii.. Waxaa maanka Cabdi Aadan Qays aad moodaa inay gaalaa bixinayeen erayadii abwaankii Maxamed Xaashi Gaarriye(IHUN):
“Haddii gu’gii kuu kordhaa
Gabaw mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Ogow geed ma gudbaad tahee’’
Markuu dhinac kasta u rogrogay ayey la noqotay Cabdi Qays inuu arintan ka warceliyo. Waxaanu Cabdi Qays intuu si diiran indhaha ugu gubay dhamaantood ku yidhi: “ Oo haddii arintu tahay in xil laga qabto dawlada lagu noqonayo nin wanaagsan, maxaynu u xidhan nahay waynu heli karnaayee”. Dhamaantood ayaa soo jeestay, dhagahana ka soo jeediyey warkii oo sii socday. Markuu arkey Cabdi Qays inay dhagaha u soo raariciyeen ayuu ku sii darey. “ Anigu baritoole ayaan bixi karaa, ileyn ninkan aynu u xidhan nahay xoolo igamuu qaadin, hantina igamuu dhicin, dalka hagaaji ayaanu isku haynaa ”….. Cabdi Qays wuxuu tiriyey maansadiisi Waan Axadhayaa. Laba maalmood ka dibna xabsigii ayaa laga sii daayey. Waxaanu ku yidhi abwaanku maansadaa:
Waxaan ahay ildheer-garato, aan mala awaalayne
Il muggeed ayuun baan caqliga, uga arooraaye
Hadba eesha ii muuqataan, arrin ku qaybshaaye
Cir aan weli onkodin maalintii, agabka loo qaatay
Maalintii af labadiisa daan, ereygu kaa yeedhay
Annagay isku filan aad tidheed, uunka maqashiisay
Eed amaahda diiddiyo cadkaa, eydu bixinaysay
Eed na tidhi itaalkiinna iyo, xoogga ku adeegta
Eed awaarahiyo meel bannaan, nagu ijbaaraysay
Eed webi agtiisiyo biyaha, udubka noo taagtay
Eed na tidhi abbaaroo dirrida, yaanbo ka aroorsha
Eed na tidhi anfaaciga qotoo, arad ka soo saara
Eed na tidhi sidii Aadamaha, hawsha u adkaysta
Ayaan ogor intaan hoos u idhi, aayar jiifsadaye
Waxaa baryahan danbe aad inoogu batey isku shaandheyn baa soo socota iyo isku shaandheyn baa la sameeyey. Hase yeeshee bulshada reer Soomaaliland waxaan wali la is waydiin waydiimaha ay ka mid yihiin:
-Maxay soo kordhisay isku shaandheyntii hore? Magac ku badal magac kale dal iyo dad halkeey gaadhsiineysaa? Kuwa aan xilkooda la taaban ee biri-ma geydada ahi wanaaga lagu raacey mee? Isku shaandheyntan cusubi maxayse dalka ugu filan tahay?
Bishii Juun 26, 2010 doorashadii ka dhacdey dalka Soomaaliland ayaa bulshadu codkooga siiyeen mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Dawlad kooban inkastoo uu doorashada ku galey wuxuu soo dhisay dawlad ay ka muuqdaan dad aqoon leh, kartina loo tirin karo.Dhaliilo ayaa muuqdey markiiba, hase yeeshee ummadu waxay isku qancisay in loo gogol badiyo, lana dhaafiyo gu’ga gaafka (Honeymoon) lagu hawlan yahay. Dhawr arimood oo dal iyo dadba u muhiim ahaa ayey dayacnaan badani ka muuqatay ilaa iminkana aan cid u heelani jirin. Waxaa arimahaa ka mid ah siyaasada arimaha,fidinta maamulka dawlada, dabargoynta ama yareynta musuqmaasuqa, dayacnaanta cadaaladeed iyo nololeed ee dhinaca xabsiyada dalka iyo xuquuqda bulshada, cadaalad darada maxkamadaha , iwm ( Iyagoo faahfaahsan insha Allah ayaad ka akhriyi doontaa buugga Dadan)
gafkana bashar baad u tahee
hadaad ka garawdo khalad
Gob bey caadadeeda tahay..
(Maansadii Gurmad ee Abwaan Gaarriye-IHUN)
Qoraalka si aan u soo koobno bal aan hal gu’ ku dhawaad dib u jaleecno. Isku-shaandheyn dhawr ah ayaa la sameeyey. Tusaale ahaan tii dhacdey bishii Oktoober dabayaaqadeedii 2015, tii dhacdey horaantii bishii Febraayo, 2016 Wasiirada xilkoodii mudnaa laga bedeley, ee cod baahiyaha dawlada laga fogeeyey waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cukuse oo horey u ahaan jirey Wasiirka Warfaafinta , halka uu Cismaan Saxardiid dalacaad madaxa la taagey. Sidoo kale ayaa bishii Oktoober 2016 la sameeyey isku shaandheyn dadka qaar u arkayeen inay aheyd soo dhaweyn iyo nabad raadin. Dadka qaarna aad ayey xilligaa ula yaabanaayeen,xilliigii xukuumada oo dhamaad ku dhaw isku shaandheyntaa la sameeyey. Taasi waaba saleeleee ka daroow dibbi dhal ayaan la fileyn. Bishan Diisamber 3, 2016 ayaa usku shaandheyn balaadhan la sameeyey .
Inaan dararo maantana Xilbaa igu dirqiyayee
Inaan deexdo maan rabin Deelley mudduciyoo
Ciddii ay dacweynleyd Noo ducee la leeyahay !
Abwaan Gaarriye(IHUN)
Tani waxay qof kasta oo taariikhda Maxamed Siyaad akhrista xasuusineysaa siduu isku shaandheynta u sameyn jiray iyo xilliyadii uu sameyn jiray. Xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayuu Maxamed Siyaad sameeyey isku shaandheyn uu Cumar Carte Qaalib ka dhigay ra’iisal wasaare. Waa gu’gii 1991kii, bishii Janaayo 7dii, halka uu ka huleelay Xamar isla bishaa Janaayo 28, 1991kii. Dawladii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Cumar Carte waxay jirtay 21 cisho. Dadkii waxay u arkeen inuu Maxamed Siyaad ujeedadiisu aheyd burburka dalka ku soo biira oo igala qayb qaata ama uu leeyahay booba yaa Wadani baylahdii dalka weeyee…
Dad badan oo siyaasada Soomaliland faaleeya ayaa is lahaa maadaama uu M/weyne Axmed Siilaanyo wax muuqda oo lagu xasuusto sameynin mudadii shanta sanno aheyd iyo gu’yaasha xaaraanta ah ee loogu darey inuu inta uga hadhey ku dadaali doono xakameynta musuqa, iyo tagitaan joogto ah oo uu maxkamadaha ku sameeyo, kolay arimaha dibada intuu hagardaameyn karayey sameeyeeee.. Waxaana sal u ahaa dibu habeyntii iyo kabkii (February 2012) lagu sameeyey xeerkii diidayey in laga qayb galo shirarka Soomaaliya(Ref: JSL/GB/01/10/2003). Waa saca madoow markii la cunay ee ummadayduna sacabka tumaysay.
Waxyaalaha la yaabka leh ee isku shaandheynta m/weyne Axmed Siilaanyo laga dhaxley waxaa ka mid ah : 1- Xilka la yidhaa xil-suge oo ilaa iminka waxaa xilsuge ah “musharkuna u socdaa” xil hayayaal hore sida wasiiro hore oo ay ka mid yihiin Cabdilaahi Cismaan (Cabdilaahi Geeljire),Muuse Qaasim Cumar,iwm. |
2- Kooxda la yidhaa Biri-ma geydo: Waa koox hantida ummada ku maman, xilalka ay hayaan loo madax banaaneeyey, hay’adaha ay heshiisyo la saxeedaan, ama kuwa u dhisan lacagta ka soo hoyataa kuma dhacdo khasnada dawlada, wasiirka farogaliya arimahaasina seefta isku-shaandheynta ayaa la kacda sidii ku dhacdey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo kale.
3- Xantay ku badiyeenee aan xil u dhiibo: Waa koox madbakha iyo guriga madaxtooyada aan ka fogaan, safarada u raaca, shirarka dawlada markay doonaan ka qayb gala.Marka bulshadu ay ka yaabaan dhaqdhaqaaqa kooxdaa ayey iswaydiiyaan xilalka ay hayaan.
M/weyne Axmed Siilaanyo markey hadal-heyntaasi ku soo dhacdo dhagihiisa ayuu xil u magaacabaa isagoo ka duulaya xeerka ku salaysan xantay ku badiyeenee aan xil u magacaabo ..
4— iyo kuwo kale oo badan…
Gunaanadka qoraalkan yare ee kooban ee aan ka soo dheegtay intiisa badan buuggga insha Allah dhawaan soo bixi doona ee la yidhaa ( Dadan- sooyaalkii nololeed iyo siyaasadeed ee M/weyne Axmed Siilaanyo) ayaan bulshada reer Soomaaliland fariin ugu dirayaa. Fariintaasi waxaan ka soo dheegayanayaa maanso.Shirweynihii 6aad ee SNM, 2dii bishii Abriil 1990kii ayaa abwaan Ibraahin Gadhle (IHUN) tiriyey maanso uu ugu magacdarey Dir-Sooc,wuxuu aad ugu xusay in Maandeeq siyaasi iyo dadweyne u roon la raadinayo, hase yeeshee ay iminka ilaa xilligaa ku socoto dar Illaah. Waxaanu yidhi:
Laba daan dhexdood iyo, Dalqo bahal qof galayoo,
Dirqi iyo tu fool adag, Dibadda ugu soo baxay,
Halkii shalayto lagu dilay, Ma dareemi waayee,
Durba miyaa illoowdeen, Dunideennii dhacantiyo,
In uu deynkii maqan yahay,
Durba miyaa illoowdeen, Nimcadii dalku lahaa,’
Kuwuu daajinaayiyo, Kuwii deyro laga dhigay,
Durba miyaa illoowdeen, Xeerkii dalka u yiil,
Kuwii uu deldelay iyo, Kuwuu daaya odhan jiray,
Durba miyaa illoowdeen, Xoolihii dadweynaha,
Kuwii la yidhi daldalo iyo, Ninkii shilinka lagu dilay,
Durba miyaa illoowdeen, Adigoo dibbiray cadho,
Ku-sii digashadiisii,
Dalku wuxuu u baahan yahay bulsho soo jeeda oo aan sacabka uun iska tumin, siyaasiyiin ololaha doorashada darteed aan u sameyn falal kamaraduhu qabtaan, weriyayaan aqoon xeeldheer u leh aqoonta warbaahinta ku salaysan baadhis(investigative journalist). Haddey Maandeeq maanta ka hadli laheyd xaaladeed nololeed waxay odhan laheyd: “ Sidaasey i sugayaan Muuse Biixi iyo Cabdilaahi Cirona”. Xisbiyadu waa isku mid,xumaanta way u adeegaan,xaragada way ka caagan yihiin.Waa dani ku badey,dimuqraadiyada lagu socod barayo.
Xumo xumo ku daahiri,
Yaan doodda laga dhigin,
Doqon iyo nin liitiyo,
Yaan jaahil lagu dayan,
Dab munaafaq uu shiday,
Ayaan daacad lagu gubin,
Dugsi ma leh qabiilkuye,
Yaan dallaayad laga dhigan,
Dabuubtii marxuumkii,
Ku dardaarmay weeyaan,
Ama Deelley nagu tidhi,
Dacar dhiilka lagu shubay,
Malab uga danbaysii,
Denbigana ninkii galay,
Keligii dusha u saar,”
Maansadii Dir-Sooc ee Abwaan Ibraahin Sheekh Saleebaan -Ibraahin Gadhle (IHUN)… Tixraac:
- Warbixino isku shaandheyn – qolka kaydka ee mareegta Farshaxan
- Buugga Dadan- Sooyaalkii Nololeed iyo Siyaasadeed ee M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo
- http://www.somalilandlaw.com/Law_Prohibiting_Participation_in_Somalia_Meetings_2003_as_amended_in_2012.pdf
Bahda Mareegta Farshaxan
Fu,aad Sheekh Abuubakar