WAJAALE NEWS

Culimada Dalka Oo Maanta Khudbadoodii Salaada jimcaha Badi ku Soo Qaatay Qabyaalada Oo Bulshada Farabaas Ku Haysa

Hargaysa(wajaalenews)masaajida kala duwan ee magaalada Hargaysa oo ay maanta shacabka reer Somaliland ku gudanayeen Salaadii jumcaha ayaa inta badan waxaa ay culamadu ku soo qaateen khudbadii salaada mawduuc  ay badi iskaga iskaga mid ah kaas oo ku qotomay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa qabyaalada oo ah mushkilada koowaad ee maanta dadka haysata runtiina kor u kac wayni ku yimid mudooyinkan u danbeeyay.

Waxaana maanta ka mid ahaa masaajidaas masjidka wayn ee badhtama Hargaysa ee Ibraahim Dheere, Shacabka oo uu ku dheeraaday sheikh Axmed (ku cadeee) iyo masaajid kale,waxaanay dhamaan culimadani dadka farayeen in meel adag looga soo wada jeesto  Qabyaalada iyaga oo aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka ay leedahay qabyaaladu, Waxaana ka mid ahaa culimada aadka uga hadashay Sheekh Almis Yaxye X.Ibraahim oo maanta Tukinaya masaajidka Ibraahim Dheere.

Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiinta dalka ayaa doorway ka qaaata kobcinta qabyaalada iyaga oo door bida in ay ku soo jiitaan taageerayaal taas oo maanta noqotay dhibaatada ugu way nee dib u dhaca ku keentay shacabka Somaliland.

Exit mobile version