Maxaa Iska Badalay Dufuurihii Dakhli Yaraaneed Ee Sobobay In Maxdaxwayne Siilaanyo Soo Saaro Digrayto Uu Wasaaradaha Dalka kaga Jaray Dakhli Dhan 25%?
HARGAYSA (Wajaalenews) Bulshada S/land waxay ka mid tahay Dadka ugu Saboolsan Dunida iyadoo Saboolnimada marag cad looga dhigayo in S/land tahay Dall aan lahayn wax soosaar sida Beero iyo Warshado ama Qaniimad kale oo kaabayaasha dhaqaaleheedu ku tiirsan tahay waxayna Bulshada S/land ku nooshahay Lacagaha Qurba joogtu u soo diraan dadkooda, Xoolaha oo Abaar baahsani ku dhacday xiligan iyo Ganacsiga ugu badan ee ay ka Ganacsadaan oo ku xidhan Badeecado kala duwan oo ay Dalalka Dibadiisa kala soo dagaan, waxaana Sanadkan u danbeeyay Bulshada S/land ku dhacday Abaar Baahsan,Sarif Barar iyo Dhoofkii Xoolaha Soomaalida oo Dawlada Sucuudigu ku dhawaaqday in ay joojisay, hadaba Abaarta, Sarif Bararka ama Qiimo dhaca Shilinka S/land iyo Dhoofkii Xoolaha oo joogsaday waxay saamayn balaadhan ku leeyihiin nolosha Bulshada S/land iyo Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2017 waxaana iswaydiin mudan Duruuftaha nololeed ee Bulshada S/land ku jirto halka uu ka yimid Dakhli Korodhka ka muuqda Odoroska Wasaarada Maaliyada Sanadka 2017 ballse aynu dib u milicsano Miisaniyadii Sanadka dhamaanaya ee 2016 iyadoo aanay jirin Xisaab Xidh Sanadeed cadaynaya in Odoroskii Miisaaniyada Sanadka 2016 ee dhamaanaya uu soo xerooday iyo in kale sidoo kale Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada oo waqtiyadii hore kaalin muuqata ka qaadan jiray gorfaynta Odoroska Miisaaniyad Sanadeedka ayaa ah Xilldhibaan ay Qaraabo dhaw yihiin Madaxwayne Siiraanyo oo mar kasta Difaaca Siyaasada Xukuumada Siiraanyo .
Hadii aynu dib u jaleecno Miisaaniyadii Sanadkii 2016 waxaa xusid mudan in Maalin ku taariikhaysan 11/04/2016 Madaxwayne Siiraanyo soo saaray Wareegto uu Wasaaradaha Dalka kaga jarayo Kharashaadkii ugu jiray Miisaaniyada 2016 oo dhan 25 % waxaana iswaydiin mudan maxaa iska badalay Duruufihii Dakhli yaraaneed ee sabobay in Madaxwayne Siiraanyo soo saaro wareegto uu Wasaaradaha Dalka kaga jarayo Dakhli dhan 25% ah Boqolkiiba Shan iyo Labaatan ahayd.
Ball hadaba aynu dib u milicsano Odoroskii Miisaaniyadii 2016 .
Dakhliga Dawlada Dhexe 1,218,000,000,000 Shilin s/land Una Dhiganta 20,3000,000 Dollar.
Hayadaha Madaxa Banaan 226,580,189,543 Una dhiganta 37,763,365 Dollar.
Dakhliga Dawladaha Hoose 189,609,406,597 Una dhiganta 31,601,568 Dollar .
Deeqaha Caalamiga ah ee Gargaarka 109,861,212,000 Una dhiganta 18,310,202 Dollar .
Dakhliga Maamul Daadajinta 27,630,234, 000 Una dhiganta 4,605,038 Dollar .
Mar kale bal aynu dull joogsano Odoroska Miisaaniyada 2017 .
Dakhliga Dawlada Dhexe 553,204,022,280 Shilin S/land Una dhiganta 258,867,337 Dollar.
Dakhliga Hayadaha M/Banaan 303,338,532,125 Una dhiganta 50,556,422 Dollar .
Dakhliga Dawladaha Hoose 208,570,347,257 Una dhiganta 34,761,725 Doolar .
Deeqaha Gargaarka Caalamiga ah 97,268,562,000 Una dhiganta 16,211,427 Dollar .
Dakhliga Maamul Daadajinta 2,175,104,355,662 Una dhiganta 362,517,393 Dollar .
Akhriste miyayna shaxda kaaga muuqan Faraqa u dhexeeya Dakhliga Dawlada dhexe ee 2016 iyo 2017 oo aad u kala sareeya 55,000,000 Milyan oo Doolar oo cadayn u ah in Wasaarada Maaliyadu ay Cashuurta Badeecadaha kor u qaadayso .
Hadaba tan iyo markii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo talada dalka loo doortay waxay Wasaarada Maaliyadu ilaa Afar Jeer kordhisay Cashuurtii laga qaadi jiray Badeecadaha faraha badan ee Bulshada S/land dibada kala soo dagto talaabadaa Cashuur Kordhinta oo Culays wayn ku noqon doonta Nolosha Bulshada Saboolka ah ee S/land waxaana maanta la filayaa in Cashuur Kordhintii ugu badnayd Wasaarada Maaliyadu ka bilawdo Kastamada Dalka waxaana xusid mudan in Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha 22/12/2016 duuduubka ku ansixiyeen Odoroska Miisaaniyada Wasaarada Miisaaniyada Sanadka 2017 oo ay ka muuqato Dakhli Korodh dhan 27 % . Waxayna Aqoonyahanada arimaha Dhaqaalaha ka faalooda ay Xaqiijinayaan in Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2017 ee Wasaarada Maaliyadu uu ka duulayo Cashuur Kordhin badan oo Wasaarada Maaliyadu Badeecadaha Dalka soo gala ku soo rogi doonto bilawga Maalmaha fooda inagu soo haya ee Sanadka 2017 .
Isku soo wada duuboo waxaa hubaala in Bulshada S/land dhagahooda buux dhaafin doonto qaylada iyo cabashooyinka ka soo burqan doona Ganacsatada ay Cashuur Kordhinta Wasaarada Maaliyadu kula dull kufi doonto Badeecadaha kala duwan ee nolosha Bulshada S/land ku tiirsan tahay talaabadaasina ay Cidhiidhi nololeed oo hor leh iyo culays dhaqaale ku keeni doonto nolosha Dadka saboolka ah ee S/land.
WIXII MACLUUMAADA EE KUSAABSAN ODORASKA MIISAANIYADA 2017 IYO ARAGTIDAADA KUSOO HAGAAJI ;
WAJALENEWS@GMAIL.COM
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
WAJAALE STAFF;