Hargaysa(wajaalenews)-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hadda safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland.
Waxaana safarka madaxwaynaha ku wahelinaya wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo gudida abaaraha Somaliland.
Ujeedada ugu wayn ee madaxwayne Siilaanyo iyo waftigan uu hogaaminayaa ay ugu baxeen gobolada bariga Somaliland aya ah sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen xaalada ay ku sugan yihiin dad iyo duunyada ku dhaqan deegaanada bariga Somaliland ee ay ku habsatay abaaruhu iyo waliba sidii uu gurmad deg deg ah u gaadhsiin lahaa dadkaasi.
Waxaana la filayaa in madaxwaynuhu safarkiisa ka bilaabo deegaanada gobolka togdheer ee ay abaarta xoogani ka jirto.