WAJAALE NEWS

Wakiilka Gaarka Ah Ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Uqaabilsan Somaliya Oo Ka Hadlay Heshiisk Puntland iyo Galmudug.

Mr-Michael-Keating.jpgHargeisa(WJN):-Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiska lagu deminayo dagaalkii Gaalkacyo ee lagu gaaray Abu Dhabi.

Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali “Gaas” iyo madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guleed ayaa ka heshiiyay in dhibaatada Gaalkacyo la xalliyo.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska SRSG ayaa lagu xusay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la joojiyo hadallada colaadda hurin kara ee warbaahinta la isu marinayo.

Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah in gacan laga geysto sidii magaalada ay ugu noqon lahaayeen dadkii ka barakacay dagaalka.

Waxaa kaloo lamagacaabayaa guddi raadiya sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa dagaalka.

Arrintaasi waxay qeyb ka ahayd heshiis labada madaxweyne ay ku dhowaad sanad kahor ka gaareen dagaal ka dhacay Gaalkacyo, bishii December ee 2015kii.

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Keating ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku amaanay gacanta ay ka geysatay in heshiis cusub ay labada dhinac isla gaaraan.

Waxa uu labada madaxweyne maamul goboleed ku booriyay inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo in heshiiska la meelmariyo.

Keating ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Gaalkacyo ku amaanay sida ay ugu dadaaleen in xal laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

“Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday” ayuu yiri Keating oo intaas sii raaciyay, “Kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guleed si ay meel mariyaan ballan qaadyadii aan la fulin, iyo inay u adeegaan shacabka Puntland iyo Galmudug.

Bishii lasoo dhaafay, magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal sababay in kumannaan qof ay guryahooda ka qaxaan.

Sidoo kale illaa 20 qof ayaa ku dhimatay dagalkaasi, sida ay sheegeen hay’adaha magaalada ka howlgala.

Sources:BBC.

Exit mobile version