WAJAALE NEWS

Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaag ah Oo Mudo kordhinta Dani Ugu Wada Jirto Qormada 2 Aad .

Wax Ka Baro Akhri Habka Farshaxanka Ah Ee Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudoomiye Saleebaan Dabarka Adag Ugu Xidheen Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land Uguna Badaleen  Mudo Kordhinta Una Dheeli Tireen Dawlada Wadaag Ah oo Dan Walba Wadaagta!!

Ugu horayn waxay Bahda Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net ka codsanaysaa Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiyada Siyaasada S/land in ay ka soo jawaabaan Su”aalahan iyagoo Jawaabahooda ku soo hagaajinaya wajalenews@gmail.com hadii ay Dalbanayaan Siyaasiyiintu  in Waraysi lagala yeesho Mawduucan Cinwaanka Fariin u soo dir ama  kala soo hadal Tell  0634442489.

Ma tahay Siyaasi ka tirsan Xisbiyada Siyaasada S/land?  Ma leedahayse Han Shaqsiya oo Siyaasiyan  ka sokeeya Taageerada aad u hayso Murashaxa Madawayne ee Xisbiga aad ka tirsan tahay ? Hadii aad leedahay Hann Shaqsiya oo Siyaasiya ma garanaysaa Mansabka aad doonayso ? Hadii aad tahay Siyaasi u Tartamaya Xilldhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Ma garanaysaa  Waqtiga la qabanayo Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka  Guurtida iyo Wakiilada? Siyaasi Miyaanay kula Gudboonayn in aad ka hawl gasho Hankaaga oo aad ka shaqayso sidii dalka uga qabsoomi lahayd Doorashada Labada Aqal? Siyaasi imisa Sanno oo danbe ayuu Dabarkan adag ku xidhnaanayaa Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land ? Siyaasi imisa Sanno oo danbe ayay Golaha Guurtida Kursiga ku fadhiyayaan Dhaxal iyo Doorasho La”aan qaab kasta ha loo soo Doortee ? Siyaasi imisa Sanno oo danbe ayaad Daawan doontaa Dawlada Wadaaga ah ee Dalka ka talisa ? Siyaasi Imisa Sanno oo danbe ayuu Hankaagu u dabranaan doonaa Murashaxa Madaxwayne ee aad Taageersan tahay?  Siyaasi Ma muuqataa Rajo ah in Dalka ay ka Qabsoomayaan Doorashada Labada Aqal ee  Guurtida iyo Wakiiladu dalka ka dhacayso ? Siyaasi Hadii aanad lahayn Han Shaqsiya oo aanad doonayn in aad ka mid noqoto Murashaxiinta u taagan Doorashooyinka Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada

Tan iyo Maalintii Madaxwayne Siiraanyo talada Dalka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin 27/7/2010 waxaa gabi ahaanba joogsaday Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land waxaana Saaxada Xisbiyada Siyaasada lagu arkayaa Arimo Ugub ku ah Saaxada Siyaasada S/land oo ka marag kacaya Qaska iyo Jaho wareerka aan la garanayn Halka uu ku dhamaanayo iyo Goorta uu dhamaanayo iyadoo Qormada labaad ee Cinwaankeedu yahay S/land waxaa ka jirta  Dawlad Wadaaga ah aan diirada ku saari doono Han La”aanta, Qorshe La”aanta iyo Rajo La”aanta ku habsatay Siyaasiyiinta kala taageersan Xisbiyada Siyaasada S/land ee Xisbiga Wadani iyo Kulmiye bal aynu dib u milicsano Waqtiyadii Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land sida Saxda ah uu u socday.

Iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in Geedi Socodka Dimuquraadiyadu fure u ahaa Siyaasad  furfuran oo Siyaasiyiintu kawada qayb galaan Borotanka Siyaasada iyadoo Doorashadii Golaha Wakiilada S/land ee dalka ka qabsoontay 29/9/2005 ay ka qayb galee Siyaasiyiin badan oo Xillal  Wasiiro ah hore uga soo qabtay Xukuumadihii Hore ee  S/land waxaanan ka xusi karnaa Siyaasiyiintaa hore ee Murashaxiinta ka noqday Calafkoodana ka qaaday Tartanka Doorashadii Golaha Wakiilada oo Garoonka Siyaasada iskugu yimaadeen Xisbiyadii Udub Ucid iyo Kulmiye Alle ha Naxariistee Maxamad Cabdi Iskerse ,iyo DR Cabdi Aw Daahir  oo Labada Marxuumba Tartankaa ku Guul daraystay dhanka kale waxaa jiray Siyaasiyiin Saaxada ku cusbaa oo Salaanka Siyaasada ku soo koray Doorashadii Golaha Wakiilada sida Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro , Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi Casiis Muxumad Samaale .Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo Siyaasiin aan Waligood Saaxada Siyaasada lagu arag oo Salaanka Siyaasada ku soo koray Doorashadii Golaha Wakilada .

Iyadoo Maanta Dabarka adag ee ay ku xidheen Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Golaha Guurtida Saleebaan Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land uu Sababay in Siyaasiintii Xisbiyada Siyaasada ku jirtay ay noqdaan Siyaasiyiin aan garanayn meel ay u socdaan oo Qas iyo Jaho Wareer ku jira mar hadii aynay lahayn Hann Shaqsiya iyo Ujeedo ka sokaysa Murashaxa Madaxwayne iyo Xisbiga uu Taageersanyahay ee isaguna kamida Dawlada Wadaaga ah ee Wadanka ka talisa waxaase iswaydiin mudan in Siyaasi kasta oo Xisbiyada Siyaasada ku jiraa uu iswaydiiyo Su”aalaha Kor ku xusan .

Ugu danbayn waxaan Qormada Labaad ku soo Afmeeraynaa muwaadin Somaliland waxay u baahan tahay siyaasiyiin ku dhiirada in ay ka hadlaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka ku gadaaman, kana soo jawaaba  Su”aalahan aan ugu talo galay in ay ka soo jawaabaan Siyaasiyiinta Saaxada Xisbiyada Siyaasada ku jira iyadoo bahda Shabakada Wajaalenews.net idin leh Siyaasi bal soo Jawaab .

La Soco Qormada Sadexaad Oo Aanu Ku Falanqayn Doono In Golaha Guurtidu Noqday Golaha Leexiyay Dabarka Adagna Ku Xidhay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land

 

WAJAALENEWS STAFF

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version