HARGAYSA(W.N) Qudbadii Madaxweyne Siilaanyo Maanta ka jeediyay qalin jabintii Ardayda Maxadka Shaqaalaha Dawlada ayaa ahayd mid ka duwan kuwii hore ee looga bartay taasi dhanka kale dhimbiil daba ku noqotay Mujaahid Muuse Biixi oo xiligan utaagan murashaxa madaxwayne ee xisbigan kulmiye taasi oo dhankiisa gacan culus ka sugayay shaqaalaha dawladu in ay ololaha qayb wayn ka qaataan,
Halka dhanka kale uu aad dhoolo cadeeyay wasiir Maxamuud Xaashi kaasi oo markii danbe sida lasheegay uu Muj Muuse Biixi iyo maxamuud xaashi uu hadalku ka taagtaagmay kadib markii laga dareeray qalin jabintii Jaamacada CSI oo Muj Muuse Biixi si qalafsan u yidhi Dee sidani waa Xirsi hala hadlina. Iyagoo hada wararka aanu helaynaa tixaabeen in ergooyin kala duwan madaxtooyada kusii qulqulayaan si ay u xaliyaan khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay Muuse iyo Siilaanyo,
Arintan ayaa kusoo beegmay wakhti xasaasi ah oo Kaambaynaradii Xisbiga Kulmiye ay aad u guuxayaan halkan Xisbiga Wadani uu dhaqaale iyo dhiiri galinba la dul taaganyahay kaambaynaradiisa isla markaan xaafad walba oo Hargeisa ah xafiis Xisbiga Wadani uu ka furanaayo.
shirwaynihii Xisbiga Wadani kadib ayaa waxaa magaalada hargisa laga dareemaya ISBEDEL wayn oo olole oo dabayli wado si wayn u hirgalinayaan Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Halka Xisbiga Kulmiye ee Xisbul Xaakimku aad arkayso in si wayn u dayacay Dhalinyaradii u ololayneysay oo niyad jab wayni ka muuqdo oo dhaqaale xumi kaga soo wajahday Xisbigoodii Kulmiye.