WAJAALE NEWS

Madaxa FBI James Comey ayaa sheegay in Helay Clinton wax dambiya lahayn.

cliton(2)Hargeisa (HWN) FBI – Mareykanka oo ku mashquuleysanayd  maalmihii u danbeeyay baadhitaan  laxidhiidha Emails ka  Hillary  Clinton ayaa soo gabagabeeyay , baadhiteen ay ku sameeyeen  dufacad cusub oo ah Emails keeda gaar ka ah.

FBI – Mareykanka oo faahfaahin kabaixisay  natiijadii baadhitaankooda  ayaa sheegay inayna helin   wax caddeyn dambiyeed  ah oo laxidhiidha  Dufcaddii cusub  ee emails ka Hillary  Clinton, arrintan  ayaa dhiiri galinaysa ololaheeda doorasho ee uga  hadhsantahay   oo kaliya  labo maalmood.

Madaxa FBI  James Comey ayaa u sheegay  golaha Congress ka Mareykanka , in wakaaladiisu kuwayday danbiyo  laxidhiidha  Emails ka looga shakisanaa  inay danbiyo ku gashay intii ay ahayd  Xoghaya nareykanka.

Waxa uu intaas ku daray  inayna  taxaddar lahayn bishii July

, balse  aanaan ku helin danbiya  xasaasi ah  oo ay gashay  wakhtigaas.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqdir Habane

Exit mobile version