Hargeysa(wajaalenews)Nov.18,2016-Mujaahid Cali Gurey gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID ayaa sheegay in sida kaliya ee dhibta Faysal Cali Waraabe Somaliland oo dhan kaga nasanayso ay tahay isagoo iska tuura dabaqa sagaalaad (9-aad).
Sidoo kalena Cali Gurey ayaa sheegay in madax-waynayaasha somalida uu mid walba xidhiidh ka dhaxeeyo,marka laga reebo madaxwaynaha maamulka goboleedka Puntland.
Cali Gurey ayaa qorala uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga waxa uu u dhignaa sida tan
“Jecliyaa inuu dabaqa 9aad iska soo tuuro oo madaxu qarxo waa sida keliya ee dhibtiisu Somaliland kaga dhamaanayso. Qolo uu nafta ugu keenay ciyigii yaraa ee Xamar ayaan u baqayaa inu isku qaado uu ku cidhiidhyo. Intaa ALIF ALIF ALIF bayvleeyihiin oo wadnahay farta ku hayaa. Madaxwaynayaasha kolba mid buu shaxaadaa kolka kaasi khaati joogsado ee tilfoonka ka qaban waayo ayuu xaga Baydhaba MAY FADAASAA. Puntland ayuun baanu fooda gelin Jubaland xataa waa la sheegayay inu lahaa WAAR AXMED MADOOBE cid ay is yaqaanaan ma jirtaa. Iyaga kuwan Hawiye ilaalkuu ka hooyay. Kolba mid buu la jiraa oo waa ka uu la joogo ka kalena waa dayuus. Niman war isu haya maaha waana wada col. Imika aniga ayaa Soomaali oo dhan wuxu yahay u sheega albaab walbana ka soo xidhaya”