WAJAALE NEWS

Ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Dalka Jabouti Oo Ka Hadlay Duqaymihii Dhawaan Diyaaraduhu Ka Gaysteen Deegaano Hoos Yimaada Degmada Oodwayne

Jabuuti(Wajaalenews)- Ciidamada Maraykanka ayaa iska fogeeyey kaalin ay ku leeyahiin duqeymo badhtamahii bishan diyaarado aan la aqoonsan ka geysteen deegaanno ka tirsan bariga Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Oodweyne, Maxamed Cali Cabdi, ayaa 15-kii bishan sheegay in deegaanka Balliga reer Cilmi, xilli habeenimo ah diyaarado joog hoose ku duulayey rasaas ku rideen dadka deegaanka, inkastoo aanay wax khasaare geysan.

Wargeyska DAWAN, ayaa xidhiidh la sameeyey saldhiga ciidamada Maraykanku ku leeyahiin  dalka Jabuuti, si uu wax uga weydiiyo kaalin ay ku leeyahiin diyaarado duqeymaha ka geystay xuduudka Somaliland, iyo raaligelin ay ka bixiyaan  ayaa gebi ahaanba iska fogeeyey gacan ay ku leeyahiin diyaaradaha duqeymaha geystay.

Gaashaanle sare Monica M. Matoush, oo ah haweenay u qaabilsan xidhiidhka Bulshada, saldhiga Ciidamada Maraykanka ee dalka Jabuuti oo jawaab ka soo bixisay ayaa tidhi, “Waan ka xumahay dib u dhaca jawaabta. ma helin caddeymo muujinaya in diyaaradaha Maraykanka ee  hawl-galada wadaaga ah  ka fuliya Geeska Afrika sameeyeen duqeymaha aad sheegteen.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wax laga weydiiyey, ayaa  sheegay inaanay garanayn diyaaradahaas wadankii laga lahaa, balse ay cambaaraynayaan, halka Wasiirka Duulista iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda oo wadajir uga hadlay digniin u direen dhammaan diyaaradaha aan la ogeyn ee sharci darrada ku soo gala hawada Somaliland inaanay damaana-qaadi karin amaankooda.

Si kasta, jawaabtan Ciidamada Maraykanka saldhiga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti ka bixiyey ayaa fursad u  sii noqon kara, baadhitaanadii lagu waday dhacdadaas iyo dalalka  loo tuhunsanaa inay leeyahiin.

 

Wajaalenews Hargeysa office

 

Exit mobile version