WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah Wasiirka Diinta Iyo Awqafta Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shil Gaadhi Ku Dhaawacmay.

Hargeisa(WJN):-Wararka aanu ka helayno waftigii uu madaxwayne kuxigeenka Somaliland hogaaminayay oo saaka kormeer shaqo ugu baxay degaanada geed deeble   ayaa waxaa gaadhi ay saarnaayeen la dhacay wasiirka diinta iyo awqafta sheikh khaliil iyo xoghaya guud ee xisbiga kulmiye xasan siciid kaasi oo ay dhaawacyo kala duwan so gaadheen labadan masuul iyo xubno kale oo gaadhi la saarna.

Balse sidhaba ah loma oga khasaaraha soodhay masuuliyiintan iyo dadka kale ee la socdayba hasa yeeshee inta la ogyahay waxa ku dhaawacmay labadaas masuul oo ay noo xaqiijiyeen masuuiyiin ka ag dhow goobtaas gaadhigu kula dhacay.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka daara salaam oo ay kormeer shaqo ku mareyeen saaka samuuliyiinta uu hor kacayay madaxwayne ku xigeenka Somaliland cabdiraxmaan cabdilahi Ismaacil (Saylici).

Wixii ka soo kordha shilkan gadhi oo ka dhacay magaalada daara-salaam ee ee waqooyiga hargeisa kala soco shabakada wararka ee WAJAALENEWS.NET

 

Hargaisa office

Wariye:Abdiqadir Habane

Email:-wajalenews@gmail.com

Exit mobile version