WAJAALE NEWS

Wafti Mataano ah Oo Ka kala Socda Dawlada Itoobiya Iyo Shirkada Dekedaha Ee DP World Oo Dhawaan Imanaya Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooga

Hargeysa(Wajaalenews)October.11,2016-Warar xog ogaal ah  oo ay helayso shabakada wararka ee Wajaalenews ayaa sheegaya in badhtamaha bisha la filayo in ay dalka Somaliland yimaadaan wufuud ka kala socda dawlada Itoobiya iyo shirkada carbeed ee lagu wareejiyay maamulka dekeda berbera ee Dp World.

Waxaana waftigan naloo sheegay inay kasoo dagayaan madaarka magaalada berbera isla markaana ay ujeedka socdaalkoodu tahay sidii  ay u indho indhayn lahaayeen isla markana u kormeer lahaayeen dekeda magaalada berbera oo dhawaan xukuumadda Somaliland gacan ku haynteeda ku wareejisay shirkada DP World heshiiskii ugu danbeeyey dhawaan qalinka lagu duugay.

Sidoo kalena waftigan ayaa naloo sheegay  in ay xukuumadda Somaliland kala hadli doonaan arimo khuseeya isticmaalka dekeda berbera ee dalka Itoobiya.

Socdaalka wafuudani ku imanayaan Somaliland ayaa la filayaa inuu kusoo beegmo kadib marka ay dalka kusoo laabtaan waftigii madaxweyne Siilanayo ee safarka ugu baxay dalka yurub,kaasi oo la filayo inay dalka kusoo laabtaan 18 bishan aynku ku guda jirno.

 

 

Exit mobile version