WAJAALE NEWS

Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan C/laahi(jidhif) Oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kamil Ciise

Hargaysa(wajaalenews)Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan C/laahi ayaa dhambaal tacsi ah u diraya Alla ha u naxariistee Marxum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise Oo Mardhaweyd ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Waxaanu General Jidhif ku sifeeyay marxuumka shaqsi aad u wanaagsanaa dhinac kasta waxyaala badana u soo qabtay qaranka, waxaanu sheegay in uu marxuumku ka baxay guud ahaan shacabka Somaliland lana tabi doono, isaga oo marxuumka ilaahay uga baryay in Samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii,Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Somaliland isagana Ilaahay Janatul Fardawsa Ka waraabiyo Aamiin Aamiiiiiiiin

Exit mobile version