WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay & Beesha Caalamka Oo Ka Hor-yimid In Gacan-ku-dhiigleyaal Uu MORGAN Ka Mid Yahay lagu Daro Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Oo Iska Dhego-tirey Soo Jeedinta Beesha Caalamka, Shalayna Xubno Morgan Ku Jiro Liiska Xubnaha Uga Qayb-galaya Baarlamaanka.

Muqdisho, (Wajaalenews)– War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Denjirayaasha Soomaaliya u qaabilsan Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Qarammada Midoobay, ayaa lagu sheegay sida ay walaac ay uga qabaan Shaqsiyaad Dambiilayaal ah oo ka mid noqday Musharraxiinta u tartamaya ka mid noqoshada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisayo, kuwaasi oo ay soo xuleen qaar ka mid ah Maamul-gobolleedyada Soomaaliya.

Morgan iyo Qayb-diidWar-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan, “Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay aad uga walaacsan yihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagu soo daro liisaska Musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada ka midka ah federaalka Soomaaliya ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyadoo laga yaabo in shakhsiyaadkaasi ay ka mid noqdaan Musharraxiinta Golaha Shacabka.

Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigan tahay tallaabo dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhammaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah, maaddaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay mudan yihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dedaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

Waxaa socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoran yihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.”

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo War-saxaafadeedkan Wada-jirka ah ka sakow isagu Shalay si gaar ah u soo bandhigay Walaaca uu ka qabo in qab-qableyaal Dagaal lagu soo daro Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa yidhi, “Soomaaliya waxay dib u soo dhisanaysaa hay’adaheeda iyo sharciyaddeeda kadib 25 sano oo colaado hubaysan ahaa, in la iska diido Musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay dalka waxay sii adkeynaysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”

Michael Keating, ayaa si gaar ah Maamulka Galmudug uga Dalbaday inay liiska xubnaha Aqalka Sare ee la doortay ka saaraan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), halka uu Puntland-na ka codsaday in Liiska Musharrixiinta uga qayb-galaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya laga reebo Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo isaguna ka mid ahaa dowladdii millteriga ahayd ee Soomaaliya iyo hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ka jiray xilliyadii dagaallada sokeeye.

Danjiraha, ayaa sidaasi oo kale Maamul-gobolleedka Jubbaland ka dalbaday in Liiska Musharrixiinta laga saaro nin lagu Magacaabo Cabdifataax Maxamed Cali oo la sheegay inuu hore ula soo shaqeeyay Ururkii Xisbul-Islaam.

Laakiin, Madaxweynaha Puntland, ayaa iska dhego-tiray soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Dalalka Beesha Caalamka ee ahayd in Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) aan lagu darin Xubnaha Baarlamaanka loo xulayo, waxaanu Shalay dib ugu soo daray Xubno cusub oo uu u Magacaabay inay Puntland uga qayb-galaan Musharrixiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Morgan oo Dawladdii Siyaad Barre ka ahaa Taliyihii Qaybta 26-aad ee Ciidammadii Milletariga Soomaaliya ee Fadhiisinkoodu ahaa Hargeysa, ayaa xilligaa dambi waaweyn ka geystay Somaliland.

Exit mobile version