WAJAALE NEWS

Guul-wadaynta Cadaani. Ereyga “guul-wade’ Waxa Curiyay Guddi uu Madax ka ahaa Madaxwayne Siilaanyo 1973, oo la odhan jiray ‘ guddida Erey Bixinta”. Qoramadii 2.

Waxaynu hore u sharaxnay “Af-MIINSHAAR” oo aynu ugu abtirinay Prof Samater. Ereyga  “ Guul-wade” wuxuu ka koobanyahay laba eray oo kala ah Guul iyo Wade .Waxa laga soo miin guuriyay “ Pioneer Movement” oo ahaa unugyo ka tirsanaa xisbaydii  shuuciga ahaa   “Soviet Communits Bloc  “. Waxay ahaayeen  kooxo dhalinyaro ah  xidha  “Red Scarfs” , una daacad ahaa   kacaanka , xisbiga hantiwadaaga iyo  Hogaanka Sare   . Wax kasta oo lagu amro way ku dhaqaaqi-jireen. May ahayn dad u fakira  si maskax furan  oo maankooda la kaashadaan.Ereyga “ Guul-wade” waxa laga soo maan guuruuyay “ Pioneer Movement Sanadkii   1973, waxaana tarjumay  guddi la odhan jiray “Guddiga Erey Bixinta “ oo ay ka mid ahaayeen  Axmed Siilaanyo ;Dhunkaal; Axmed Caydiid; Wayrax iyo xubno kale oo ka tirsanaa hogaanka Kacaanka Siyaad Barre. Waxa  loo xilsaaray inay  soo curiyaan   ereyada  xafiisyada lagaga  shaqeeyo . Erayada ay soo xuleen wax aka mid ahaa : Qorshayn; Maarayn;Jaangooyo;Tashiil; Wareegto ;Madaxtooyo ; Guul Wade; Sama Wade, Nabadoon iwm.  Xogagaga Guulwadayaasha  oo loo  xidhi jiray  “ Green Scarfs” ,waxay  qaadi jireen heesaha  kacaanka oo ay ka mid ahayd ‘ Guul-wadow Siyaad ,Aabahii Garashada  Geyigayagow “. May fadhiisan jirin, ilaa la yidhaahdo fadhiista. May aamusi jirin , ilaa la yidhaahdo aamua.  May seexan jirin, ilaa la yidhaahdo seexda.Waxay ahaayeen  maankooda  la  dhalan rogay “ brain-washed”.  Hadaba, waxa doorkan soo baxay koox kuwaas la mid ah  ama kasii liita. Waa rag waawayn , waayeel ah ,qaarkood Jaamacado kasoo qalan jebiyeen. Waar qaar marka ay subaxii soo toosan  iyo marka ay habeenkii seexanayaan   min soddon jeer ku wardiya “ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo “. Guulwadaha ugu hadalka badan uguna caqliga yar waxa lagu magacaaba “ Cadaani “. Waa nin afartan sano qurbajoog ahaa oo aan waxba taransan, noloshana ka dhacay.Wuxuu Marxuum Ibrahim Gadhle yidhi :

 

 

Marantida haweenkana,

Hodan lagama maarmee,

Marba kii aroosiyo,

Ha maaweelin qayrkaa,

Adiguba marwada dumar,

Meher waad ku geydaa,

U Miinxiiska ruux kale,

Waxa kaaga magac-roon,

Ha laguu mashaxaradee,

Adigoo mid guursada.

Drs. Hoodo Yusuf, London, UK.

Exit mobile version