qaade iyo saxafi ahaa oo Malaala ugu tagay barigii ay 10 jir ahayd, iyadoo iskuuldeedii ku jirta,Ninkaas saxafiga ahaa waxa uu sheegay in Malaala oo imika 16 jir ahi,barigaas uu sawirada iyo barnaamijka ka soo qaaday ay ahayd gabadh yar oo 10 jir..laakiin ay markaas ba si Aftahannimo leh uga dhex muuqatay dugsigeeda ku yaala magaalo yar oo buuralay ah oo ku taala dalka baakistaan?waxa kaloo ay sheegeen dadkii dooda ka qaybqaadanaayey in Malaal Daalibaan madaxa ka toogteen iyadooy ku eedeeyeen in ay tahay Basaasad u adeegeysa Danaha Mareykanka iyo Reer galbeedka,sidaas awogeedna ay u toogteen?Malaala waxa kalooy uu ku sifeeyey mid ka mid ah dadkii dooda ku jiray in ay leedahay cod karnimo iyo in ay khudbad kasta oo ay leedahay ku dhex darsato beyd ama leyn xikmad ah oo gudbinaaya micno wayn.
Waxa kaloo laga dooday in Malaala ay tahay qofkii ugu da?yaraa ee Amaal marin noocan ah oo kale ku guuleysta, waxa kaloo laga dooday;iyadoo la filaayey in ay ku guuleysato Amaalmarinta Caalamiga ah ee Noobalka-Nabadda(Noble Peace Prize).waxana la ay sheegeen in ay ugu guuleysan wayday iyadoo aad da?deedu aad u yartahay.Malala imika waxay dagantahay wadanka ingiriiska iyadoo lagaga daweeyey daawacii ka soo gaadhay toogashadii madaxa ay ka toogteen ururka Daalibaan.Malaala waxay imika ku jirtaa Dugsigeedii sare waxana la filayaa in ay gasho waxbarashadeedii Jaamacadeed.Waxa la isla soo hadal qaaday dooda dhexdeeda bal waxa soo gaadhi kara malaala haddii ay ku noqoto dalkeedii baakistaan,waxa ayna sheegeen dadkii ka qaybgalay doodaasi in ay khatari soo gaadhi karto Malaal marka la eego wadankeeda khataraha ku xeeran.!!!
Waxayna ugu dambeyntii ku tilmaameen Malaal in ay tahay ama loo bixiyey; Inanta u geesi san adduunyada(The bravest girl in the World).
Hargeysa Office
Wajaalae News
Info wajalenews@gmail.com