Waxaan Taagan nahay halka goolada ah labadda wadda ee sayladda iyo ta garoonka caalamiga diyaaradaha ee Cigaal ku kala baydhaan, waana isla halka dayrka Dugsiga Sare Maxamuud Axmed Cali dayrkiisu ka bilaabmo,. Baabuurta taagan ee taraafikadu kala horayso ka sakow,waxaa jira dad iyaguna meesha ku buuqsan. Dadku waxay ku soo xoomeen oo ay ku urursan yihiin 19 nuqul oo ka mid ah buug dhawaan soo baxay oo la yidhaa “Gurrac” oo qoray Mudane Khadar Cabdi Cabdilaahi. Ardayda, Macalimiinta iyo dadwaynaha urursan waxaa weheliya dhir meesha buugta lagu gubayo ku taal oo iyadu wada hadlaysa oo ka xun buuga la gubayo. Iyadoo anigu si gaar ah aan u xiisaynayo ayuu sheekadda dhirta ayu geed Galool ah oo saarnaa gaadhi xamuul Dhige-dheere ahaa taraafigu hakiyay. Haa geed Galool ah baa gaadhi saarnaa! laakiin isagoo dhuxul laga soo dhigay oo jawaano ku jira weeyi.
Galoolkaa dhuxusha ahi wuxuu ku biiray dooddii dhirta iyadu meesha ku taalay oo garan-waaa ka mid yahay. Wuxuu leeyahay baha-dhireedeey, oo waliba garan-waa iyo gundhocooy ma iyadoo agtiina ay taalo dhuxul oo anigaygan la igu sii wada suuqa dhuxusha si mar labaad la ii shito ayaad buug la gubay u garowdeen. Way idiin gaadhay buu ku leeyahay. Wuxuu ku sii darayaa in xaashiyaha iyo jaldhiga buuga laftiisu markii hore laga sameeyay geedka gobka la yidhaa iyo dhir kale.
Galoolkaasi isaga oo aan dhamayn garnaqsigiisii, garan-waa, gucundho, miraa-miri, baxarasaaf iyo xayaabna aanay jawaab soo celin balse yaaban yihiin ayuu askari taraafikada ahi ku qayliyay dirawalkii gaadhiga galoolku saarnaa. Xawaare aad ah ayaanu ku dhaqaaqay inkasta oo Galool hadalkiisii sii watay wuu fogaaday. Waxa keliya een maqlayayna wuxuun buu ahaa guux aanan garan Karin !. Intaa wixii ka dambeeyay, waxa ka warami cid dhuxusha gaadhiga la saarnayd. Adiga ahaayaana mooyi?
Dhinaca kale buugga maan akhriyin. Maansadan Gurracna waxay ku salaysan tahay sheeko kale oo gurrac ah oo dhacdada buuga la baxay Gurrac ee la gubayay ka barbar dhacday (dhab uma dhicin balse waa khiyaal) balse aan indhaheenu ka gadaaman yihiin. Iyaddoo Gurrac ah oo deegaankii xaalufisay bay Gurrac gubaysaa……….. Waa wadda gurrac.
FG: Abwaan ma ahi. Waxaan filayaa inay I godlisay (Haddiiba godol jiro) dhacdada ugubka ah ee buuga lagu gubay magaalada Hargeysa ee sida wayn loo qoray iyo malaha buugaa magaciisa ayuun baan warbaahinta kala duwan iyo asxaab ka hadlaysa oo ka doodaysa la kulmay. Dabadeena Gidaarkayga Foolgaradka (Facebook) ayaan ku qoray 14 tuduc ee hore. Guuleed Axmed Cumar – GuleidAyanle ayaa igu dhiirigeliyay inaan ka dhigo maanso dhamaystiran. Wuxu yidhi waad karaysaa, waan isku dayay isna wuu ila tiir-tiiriyay madaama uu yahay macalin afka soomaaliga igaga fiican..
Wuxuu Yidhi:
Garan-waa hadlaa yidhi
Gudin aan ku jiro baa
Anigaba i goysoo
Dadku igu garaacaan
Gurrac toos ah baa jira
Guray midiga baa jira
Guur furid ah baa jira
Gefaf caadiyaa jira
Geesi fulaya baa jira
Gabadho wiilalaa jira
Dar guraan-guraa jira
Gadh bidaar ah baa jira
Gubitaanku waa maxay?
Goormaad jabteenoo
Ka go’deen aqoontii?
Galool baa ku soo baxay
Markaa gaadhi saarnaa
Doodiina soo gaadh
Waxse aanu wali garan
Sheekadan gurracaniyo
Buugga loo goleeyee
Laga wada garaabee
Dhamidood bah geedii
Ka gar-naqayso idilkeed
Gadaashoodna ay taal
Dhuxushii la soo gubay
Guluf buu ku qaadoo
Garan-waa dabaalsii
Su’aal gaamurtoo culus
Wuxu yidhi garaad li’id
Adi miyay ku goostaan?
Gudinteed is aragteen?
Gunta wali ma lagu jaray?
Moofo intay ku galiyeen?
Suuq may ku geeyeen?
Gini may ku siisteen?
Girgire may ku saareen?
Anaa gaaridoodiyo
Geesiba igu faanoo
Gasiinkaan u kariyaa
Gaajadaan ka bi’iyaa
Iimana garaabaan
Galabtana warkiinani
Ka gun dheer intaasiye
Garashaad se hadasheen
Buugani halkuu galo
Aan idiin gardaadshee
Gunta weedhahaygaa
Isaguba guyaal hore
Gob la soo gumeeyoo
Ged kaleeto loo dhigay
Gidigiisu weeyaan.
Gumareey nasiibkaa
Haddii guban ilaa hawd
Geyigii bilnaan jiray
Garan-waa u mudanyoo
Dhirta inan gumeedkiyo
Gaagaab wax muda iyo
keli noole gocoriyo
Gucundho iyo xayaabiyo
In kaloo guraanguri
Gondahaaga joogaan
Isagoo gunteediyo
Wali gaadhin sheekada
Halka ay ku gobo tidhi
Ayuu Geelihii waday
Dhuftay gaadhigiiyoo
La galbaday warkiisii
Guux buu se sii waday.
Hadalkiina muu gu’in
QALINKII XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE