War Sixaafadeed
OGESIS gudida cusub ee Bristol Kulmiye
Bristol(Wajaalenews) Maanta oo aay Taariikh’du ahayd 24/10/2016 Maalin Isniin ah .
Waxa shir aan caadi ahayn isugu yimid, Xubnaha fulinta laanta Bristol ee Xisbiga Kulmiye.
Shirkaas oo daaranaa xil ka degid iyo xilal cusub magacaabid.
Shirkaa waxa furay gudoomiye #Mustafe_Xaashi. Wuxuuna gudoomiye #Mustafe_Xaashi ka degay jagadii gudoomiye nimo isagoo raaci Sunihii siyaasada ee u dhig’naayd Xisbiga Kulmiy ee Jamhuuriyada Somaliland ayuu gudoomiye #Mustafe_Xaashi wuxuu Xilkii Ku wareejiyey dhalintii fir-fir coonayd ee in badan la soo shaqaaysay. Jagadii gudoomiye’nimo waxa isu soo taagay #Faysal_Xasan_Saadle oo ahaa Af’hayeenkii laanta Bristol City ee Xisbiga Kulmiye, waxaana loogu codeeyay cod aqlabiyad ah. Sidaas ayuuna ku asaxmay gudoomiyaha. Cusub. Sidoo kale gudiga fulintu waxay ansixisay .
1-Gudoomiye ku xigeen ka koowaad : #Cali_Jamac_Abdi,
2-Gudoomiyeha Ku xigeen ka labaad: #Siyaad_Tukaale.
3-Xoog’hayaha warfaafinta. #Mawlid_Sheekh_Farax
4- Xoog’hayaha Baratakool ka #Maxamed_Abdi_Ruush.
Wabilaahi tawfiiq. Nasir Ibrahim suufi Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye laanta Bristol