WAJAALE NEWS

Dawladda India Oo Muddo Todobaad ah Calanka Somaliland Sudhay Bandhig Korontada ah oo ay Dalkeeda Ugu Qabatay 68 Dal Iyo 1200 Shirkadood

Hargaysa(Wajaalenews) Dawladda India ayaa si rasmi ah ugu marti-galisay xukuumadda iyo shirkaddaha Korontada ee Somaliland Bandhi caalami ah oo ay u qabatay shirkaddaha Korontada ee 68 dal oo Dunida ka kala socday.

Carwadan oo ay ka soo qayb galeen 1200 oo shirkadood oo dalka India degan ayaa waxa ay dalalka lagu soo casuumay ka kala sodeen Afrika, Asia iyo Latin Amerika, waxaana Somaliland uga qayb galay wasiiru-dawlaha wasaaradda Tamarta iyo Macdan iyo afar shirkadood oo ka hawl-gala Burco, Berbera, Borama iyo Hargeysa.

Raysal wasaaraha Dalka India Nerandara Modis oo martiqaadka shirka fidinayey ayaa weftiga Somaliland ku martiqaaday, isagoo ugu talogalay Somaliland inay ka faa’iidaysato wax-soo-saarka shirkadaha kala duwan ee Korontada isla markaana ka helaan waayo aragnimo, maadaama Somaliland horumar ka samaynayso dhinaca Korontada.

Weftiga Somaliland ayaa loo soo dhaweeyey sida loo maamuusay wufuuda ka socotay dalalka kale ee bandhiga ka soo qayb galay, waxaana Calanka Somaliland la sudhay goobtii lagu qabanayey bandhiga, iyadoo uu halkaas ka dul babanayey muddo toddoba cisho ah oo shirku socday.

Eng: Cabdi Cali Barkhad oo ka mid ahaa weftiga ka qayb galay Bandhigaasi ayaa Waaheen u sheegay in ay la soo kulmeen dhiirigalin balaadhan, isagoo xusay in Carwada lagu soo bandhigay waxyaabo Somaliland anfacaya, isla markaana ay tahay in laga faa’iidaysto.

Cabdi Cali Barkhad waxa uu sheegay mudadii ay joogeen inay kala kulmeen Dawladda India soo dhaweyn aad u balaadhan oo magaca Somaliland qiimo weyn ugu jirtay, isagoo xusay inay u qaadan waayeen qaabka loo soo dhaweeyey iyo sida loo danaynayey Somaliland.

Exit mobile version