WAJAALE NEWS

Cabsida Carruurtu Usha Ka Qabaan.

Sahra yar waxay ahayd  gabadh yar oo lix sano jir ah, waxay dhiganaysay  dugsiga hoose gaar ahaa fasalka koobaad ama uulada,  inta badan  macalimiinta dugsiga waxay ku wacygi geliyaan ardayda  , in ay nadaafada ku dedaalaan,  haday noqoto dharka ay xidhanayaan , haday noqoto dhinaca cidiyaaha iyo cadayga ilkahaba  ,

Intabadana waxa dhacda in sabti kasta marka safka lagu jiro cidiyahooda aad loo hubiyo inay ku bexeen iyo in kale ,

Haddaba sahra yar iyadoo ka war qabta qofka cidiyo lagu arko ganaaxa iyo ciqaabta uu la kulmayo , way  ka taxadiri jirtay, , hooyadeedna waxay u sheegi jirtay inay jimce kasta ka gurto , nasiib daro hooyadeed waxay ilowday maalin jimce ah , sahrana cidiyihii

baa ku baxay ,waxaanay is aragtay iyadoo joogta iskuulka  , ardaydiina la hubinayo cidiyahoodii iyo nadaafadoodii , in kastoo kuwii cidiyaha lahaa  ul ama dhenged lala dhacayey,  sahra yar aad iyo aad bay u naxday waxaanay ka cabsatay usha lala dhacayo ardaydii dhegeeda ahaa,

Aad  fikirtay , waxay go’aansatay in ay ilkaheeda iskaga gurto cidiyaha  si ay uga bad-baado usha xanuunkeeda , waanay iska wada gurtay dhamaan cidiyihii,

Markii la soo gaadhay halkii ay ka  taagneyd safka  ee la eegay cidiyaheed waxba waa laga waayey , waana la dhaafay  ileen ilkaha ayey iskaga wada gurtee,

Gurigoodii markay timid ayey hooyadeed uga sheekaysay sidii ay u xalisay ugana bad baaday ushuu xanuunka kululayd ee ardayda cidiyhaa dhaadheer lala dhacayey

WQ: Kamaal Xassan Isaaq

Tell:  00252-63-4402758

kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

Exit mobile version