WAJAALE NEWS

Xuseen Carab Ciise Oo Hore U Ahaan Jiray Ra’isal Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Ee Dawladi Sheikh Shariif Oo U Dhaw In Loo Magacaabo Ra’isal Wasaaraha Somalia

Wasiirkii Hore Ee Gaashandhiga Somalia Mudane Xuseen Carabe Ciise Haatana Ah Gudoomiyaha Gudida Difaacea Ee Golaha Barlamaanka Somlia Ayaa La Sheegaya In Uu Yahay Shakhsiga Ugu Dhaw In Loo Magacaabo Ra’isal Wasaaraha Somalia Sida Ay Noo Xaqijiyeen Ilo Xogogaal Ah Oo Aanu Ka Warsannay Arrintani.

Xuseen Carab Ciise Oo Ahaa Wasiirkii Hore Ee Gaashandhiga Ee Dawladi Sheikh Shariif Ayaa Lagu Xasuusta In Uu Ahaa Shakhsi Qeyb Lixaad Leh Ka Qaatay Sidii Looga Saari Lahaa Xamar Iyo Gobolada Kale Xarakada Al Shabaab Isagoo Ahaa Wasiirkii Gaashandhiga Ee Wakhtigaasi Xilka Hayay .

Xuseen Carab Ciise Waxaa Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliand Waxaana Lagu Xasuusta Wakhtii Dawladii Ku Meelgaadhka Ahayd Uu Ka Tirsanaa In Uu Ahaa Masuul Difaaca Qadiyada Somliland Isla Markaana Mar Walba Ku Tiraabi Jiray In Aanu Somaliand Horumarkeeda Ka Soo Hor Jeedin Isla Markaana Sheegi Jiray In Uu Taageersanyahay Wax Waloo Ay Qabsadeen Somaliland.

Xuseen Carab Ciise Ayaa Haddaba Haatan Shaaca Ka Qaaday In Uu U Taaganyahay Jagada Ra’isal Wasaarnimo Ee Somalia .

Murashaxiin Badan Ay Jiraan Oo Hunguri Ka Hayo Jagadaa Ra’isal Wasaarnimo Ee Somalia Aya Haddana Aan La Garan Karin Cid Loo Magacaabi Karo Jagadaasi

walow  Ay Sheegayaana Dadka u Dhuun Daloola Siyaasda Somalia In Xuseen Carab Ciise Ugu Dhawyahay In Uu Noqdo Ra’isal Wasaaraha Somalia .

 

 WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version