WAJAALE NEWS

Talada Qoysku Qaranka Way Dishaa!! Qalinkii; Maxamed Abdi Jaamac

“Marka Madaxwaynaha La Dooranayo Isaga Oo kaliya Ayaa La Doortaa

Ee laguma Doorto Islaan Aqoon leh Ayuu Qabaa Iyo Caruur Wax Baratay Ayuu Dhalay Oo Qaranka La Maamulaysa Ee Shaqsiyadiisa Ayaa La Bidaa Aqoon Iyo Karti”

 Waxa aynu usoo joognay ama aynu taariikhda ku haynaa qoysas badan oo qarano aduunyada ah u talinayey halka ay ku dambeeyeen oo ay ka mid ahaayeen SADAM HUSSEIN IYO QOYSKIISII,QADAFI IYO QOYSKIISII,SIYAAD BARRE IYO QOYSKIISII iyo hogaamiyeyaal kale oo tiro badan oo aynaan halkan kusoo koobi karayn,.

Waxa dadka somaalida tusaale fiican u noqon kara taliskii Mohamed Siad Barre oo Aaanu jirin Somalia dawlad waxqabatay Bilowgii Hore ahayd intii wada jirka ahaayeen Somaliland iyo Somalia, wakhtigaa intii uu xukunka hayey waxii la isku odhan jiray somalia wuxuu gaadhsiiyey horumar balaadhan oo leh wershado wax soo saar iyo tayaynta shaqaalaha qaranka iyo ciidamada waxaana uu ka dhigay quwad ka mid ah quwadaha afrika, Hadaba waxqabadkiisaasi waxa uu ka rarnaa dhinac oo koonfur ayuun buu dhisayey dhinacwalba taasi waxa ay ahayd cadaalad daradii koowaad ee uu sameeyay in dal dhan oo Somalia la isku odhan jiray in uu qaybna dhiso qaybna uu dib u rido, shirkadaha Somalia waxa dhisayey iyo kuwa dawladu lahaydba waxa si toos ah u maamulayey qoyskiisa ama si dadban kuwaas oo uu xilalka qaranka ku taxay.

Hadaba manta marka Mohamed Siad Barre la yidhaa ma waxa lagu xasuustaa wax qabad mise burbur eex qabyaalad iyo kali talisnimo ku dhisnaa oo uu xataa diinta islaamka faragaliyey akhriste adiga ayaan kuu dhaafayaa su’aashaa jawaabteeda?

Hogaamiye hadaynu sharax kooban ka bixino waa qof umadu iska soo xushay oo ay ku tuhmayeen karti aqoon iyo wax garadnimo uu dadka kale dheer yahay taasi oo ay ugu talo galeen in uu ku hogaamiyo si uu dalkooda u gaadhsiiyo horumar iyo barwaaqo ku dhisan  cadaalad iyo sinaan uu muwaadinkastaa xaqiisa helo.

Hadaan usoo noqdo dulucda hadalkayga waxa laga dhaxlay Mohamed Siad Barre dhaqano badan oo ay ka mid yihiin in qoyskaagu gacan togaaleeyaan talada qaranka si dadban iyo si toos ahba taasi waxa ay ina dhaxalsiin kartaa cadaalad daro keenta burbur iyo in la is aamini waayo sidaa manta Somalia ku sugan tahay.

Tusaaleyaal kooban hadaan ka bixiyo astaamaha ay leedahay talada qoyska oo toos inoogu muuqda waxa ka mid ah kala awood badnaanta masuuliyiinta xukuumada ku jirta oo u kala awood badan sida ay qoyska madaxwaynaha ugu kala dhow yihiin iyo waliba saxiibada qoyska madaxwaynaha oo haysta xilal waara ama aan la badelin ama iyagu ha fadhiyaan kuraasta ama cid ay wataan ha fadhiyaane, qandarasyada horumarinta iyo dhismayaasha oo cid gaar ah la siiyo oo aan ka fogeyn qoyska madaxwaynaha iyo masuuliyiinta dawlada oo ay si toos ah uga dhex muuqdaan caylada madaxweynaha(dadka madaxwaynuhu wax u yahay ama marwadu wax u tahay) oo marba marka ka dambaysa ay ku soo badanayaan xukumadiisa dhaqankaasi waxa uu hoos ugu daadagay wasaradaha iyo hay’adaha dawlada oo aad moodo in beelba la siiyay hay’ad dawli ah ama wasaarad.

Hadaba marka madaxwaynaha la dooranayo isaga oo kaliya ayaa loo doortaa lagumana doorto islaan aqoon leh ayuu qabaa iyo caruur wax baratay ayuu dhalay oo qaranka la maamulaysa ee shaqsiyadiisa ayaa la badaa aqoon iyo karti dabcan qoyskiisuna isaga dhismihiisa nolosha iyo guulaha uu gaadhay ayey ka dhex muuqdaan ee maaha talada uu qaranka u hayo in ay ka dhex muuqdaan oo ay isaga u horseedaan taariikh xun oo ay lahaayeen hogaamiyayaashii xumaa iyo kalitaliyayaashii talada ku koobay qoysaskooda.

Inbadan waxa wax laga sheegaa madaxwayne kasta oo qarankan soo maray qabiilkiisa ama lagu tuhmaa in ay talada qayb ka yihiin laakiin taasi waa mid xaqiiqada ka fog oo madaxwayne walba afar qof oo danaysteyaal ah kama badna inta hoos yaacda ee beeshiisa ahi ama si toos ah ha u hoos yaacaan ama si dadbane, madaxwayne kasta beesha uu ka soo jeedaana waxa ay qabtaa saluuga iyo tabashada beelaha kale ee Somaliland qabaan waxaana u dheer gardaro iyo tuhun.

Guntii iyo gabagadii qoraalkayga waxa aan talooyin kooban usoo jeedinayaa madaxwayne Ahmed Siilaanyo oo manta isagu la kulmay wakhtigii qoraalka aan qorayey iyo madaxda ka dambaysa oo aan is leeyahay dhaqan aan wanaagsanayn ayey kaga dayan doonaan ama ay dhaxli doonaan, dhaqankaas oo ah qoys qaran maamulaya oo aynu soo arkaynay labadii madaxwayne ee u dambeeyay Somaliland hakala saamayn badnaadaane kaasi oo madaxwayne ku dhaxalsiin kara in aan umadu arag waxqabadkaaga iyo hanaanka aad kursiga uga degtay hadii aad sidan ku sii jirto oo cadaalad darada iyo sinaan la’aantu ka muuqato xukuumada aad ka taliso gudaheeda, oo madaxdu ku kala awood badan tahay,iyadoo oo ay hadhbeeshay tabashada iyo cadaalad darooyinka laga tirsanayo shaqaalaha qaranka iyo xilalka dawlada iyo waxqabadka reer Somaliland guud ahaan wada gaadhay dadkuna kusii kala badan yihiin oo galbeed iyo bariga Somaliland baa ad looga dareemayo, waxa aan kugula talin lahaa in aadan mudada xilka korodhsan markale si aad sharaf iyo qiime ugaga tagtid dalkan iyo waliba in aad dib u eegis ku samayso xukumada aad madaxwaynaha ka tahay.

ALLAA MAHAD LEH

MOHAMED ABDI  JAMA DHIMBIIL

 

 

 

Exit mobile version