WAJAALE NEWS

Muj Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Xaalada Taariikheed Ee Lixda Goobood Ee Lagu Muransan Yahay

Sheekadu Maaha Dhulka Saw Anigu Ma Lihi.

Dhulkan (lixda goobood) cidii lahayd laga boobayo ee cid kale oon lahayni ka boobayso magacii? Cidda iska leh ee laga boobayaa waa ayo? Cidda ka boobaysaase waa ayo? Ma dhul la wada lahaabaa mise waa dhul la kala lahaa?

Hadii ay tahay arinta lixda goobood khilaafkeedu maahaa dhul la isku haysto lahaanshihiisa ee waxa la isku haystaa waa xuduudo maamul.Marka loo noqdo lixdankii xuduudihii maamul ee lixdankii Ceel Sheekh oo bari ugu xigta ayay ku kulmayaan xadka sedexda Degmo ee Zaylac iyo Berbera iyo Hargaysa. Ceel Sheekh wixii galbeed ka xigaa waa District of Zaila Bari wixii ka xigaa waa District of Berbera Koonfur wixii ka xigaana waa Hargaysa. Cidda taa diidan ayaa ah cidda iyadu dhul boobka wadda ee waa ayo? Waxa nasiib darro ah Xukuumadda og ee haysa maabkii iyo qoraalka cad ee sidaa aan sheegay dhigaya ee hadana go’aan ka gaadhi la’ arintan. Sedexda Degmo iyo ciddi kale ee wax ka duwan haysa intay isugu yeedho aqoonyahankooda, hogaamiye dhaqameedkooda iyo waxgaradkooda iyo inta kale ee Somaliland oo dhex ah maxay u soo dhex dhigi la’dahay cidda iyadu qaldan gole loo dhan yahay ha ku dhex fashilanto eh? Waxay ila tahay hadii aan faro kale ku jirin waa wax aad u sahlan sida xal looga gaadhi karaa. Hadii kale dawladii kala xadaysay waxay ahayd Ingiiska eh sidii ay u kala xadaysay dokomankii oo Asal ah baa yaala eh hadii qoloba maab gaar ah haysato maa laga keeno. Hadii ay tahay lahaanshaha amma degaan ahaan reeraha u badnaa amma u badan lafteeda sedexda reer ee degaan wadaaga ku ahi way is yaqaanaan haday isa soo hor fadhiistaan oo laga dhex baxo way ku heshiin karaan in kasta oo dhulku dhulka Somaliland uun ka mid yahay cid laga yeelan karo oo vise u qaadanaysaa aanay jirin. Marka ay Awadal iyo Selel xadkoodu kii saxa ahaa yahay Ceel Sheekh wixii galbeed ka xigaa wuxu raacayaa Selel. Lakiin xadka Selel iyo Awdal maaha kii saxa ahaa ee Lughayana Awdal oo District of Borame ahaa baa lagu daray oo waxa laga soo gooyay Selel oo District of Zaila ahayd. Halka Boon oo District of Borame ahaydna Selel la raaciyay oo District of Zaila ahayd. Hadii kala xadayntii lixdankii ee ugu dambaysay la raacayo cidda khariirad iyo qoraal ka duwan ka aan halkan ku sheegay ha sheegto oo bal ha la kala hubiyo ka saxa ah ilayn aniga laftayda ayaaba suurtogal ah in aan qalad fahamsanahay oo ogol in la i saxo eh.

Midna waxan leeyahay nimankan kuyuuga soo galay ee warbaahinta soo wada fadhiistay. Hadii dhulkan khilaafkiisa runta ah laga duwo in uu yahay xuduudo maamul oo lagu muransan yahay oo laga dhigo dhul la kala leeyahay cid dhul aanay degaan ahaan u lahayn xoog ku yeelan kartaa in aanay jirin uun ha ogaadaan oo dhulkana weliba la wada yaqaan cidda degaan ahaan u lahayd ee u yeelan doonta. Muranka ugu dambeeyana waxa isku soo hadhi laba reer ee sedex reer dhulka intiisa badan kuma wada murmi doonaan. Lakiin anigu waxan ku taliyay kuna talinayaa kuna soo arkay inay diyaar u wada yihiin dadka ku wada nool jiidahaadi inay si nabadgelyo ah ugu wada noolaadaan sida ay hadaba ugu wada nool yihiin. Xumaanta iyo qabyaaladda waxa laga uun waa magaalooyinka

 

Exit mobile version