WAJAALE NEWS

Fadeexada Kooxo Sheegtay Xisbigii Baaba,ay Ee Udub Oo Ku Biirey Kulmiye iyo Isweydiinta Ka Dhalatey Aragtida Miisaanka Xubnaha Udub Xabaalaha Kala Soo Baxey.

Xisbiga kulmiye oo Miciin biday Sheegashada Taageerayaal  kasoo Jeeda   Xisbigii Udub Ee Baaba,ay,

Hargeysa(WN)-Xubno aan miisaan badan ku laheyn Asxaabta Qaranka Somaliland oo maanta soo aakhiro toosiyay Xisbigii Baaba,ay ee Udub ayaa Xisbiga Kulmiye Xaflad ugu qabtey Magaalada Hargeysa kadib markii ay dhawaan Xubnahani si dhuumasho ah uga baxeen Xisbiyada Mucaaridka ah.ee Wadani

Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Somaliland ayaa ku tilmaamay Ku Biirista Xubno sheeganaya Xisbigii Baaba,ay ee Udub oo ku biirey Kulmiye in ay tahey talaabo ka turjumeysa Qorshe la,aanta iyo hambabarka Xisbiga Kulmiye maadaama ay ka aqbaleen Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele oo aan hore u noqon nin waligii Mucaarid haseyeeshee, indhaweyd ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Xubno wehelinayay ay ka dhuunteen in ay sheegaan Xisbiga Miisaanka Culus ee Mucaaridka ah ee Wadani ay sabab u tahey  Miisaan la,aanta Ismaaciil Mire  ,Cali Cilmi Geele Iyo Ina Xaaji Daahir  ay  soo xabaalo toosiyeen Udubtii baaba,dey inkastoo ay dhacdadan iyo Xafladii hoosta ka dalooshay ee Huteelka Maansoor Fadeexad ceeb iyo Wajigabax culus ku tahey Xisbiga Kulmiye oo Maamul Xumo iyo Siyaasad Xumo la ildaran.

 

Exit mobile version