Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay si ku meel gaadh u joojisay duulimaadyada qaadka ee ka iman jiray dalka Kenya, laba bilaabo maalinta bari ah.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee somaliya Cali Axmed Jaamac oo la hadlay BBC-da ayaa ka waramay go,aanka ay gaadhay dawlada Somaliya, waxaanu sheegay inay go,aankaas qaateen ka dib markii ay eegeen duruufo jira, waxaanu tilmaamay inay si ku meel gaadh ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ee uga yimaada dalka Kenya, waxaanu ka gaabsaday inuu si toos ah u shaaciyo sababaha keenay inay joojiyaan duulimaadyada qaadka.
Dalka somaliya ayaa ah wadanka iska leh suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka ka baxa dalka Kenya iyada oo maalintiina in ka badan toban duulimaad oo qaad ah la geeyo dalkaasi.https
Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go’aankii ay dawaladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.