2011 haayada loo yaqaano international agency for research on cancer (IARC) waxay ku dartay isticmaalka telefoonka gacanta lagu qaato
Hordhac
Dunida aynu ku nool nahay waxa isticmaala telefoonka gacanta lagu qaato (cell phone) dad lagu qiyaasay 4320 million taasi waxay ka dhigan tahay in 100 kii qof ee dunida ku nooli 97 ka mid ahi ay isticmaalaan telefoonka gacanta lagu qaato. Telefoonka gacanta lagu qaataa waxay soo saaraan shucaac lagu qiyaasay 450-2100 MHZ.
2011 haayada loo yaqaano international agency for research on cancer (IARC) waxay ku dartay isticmaalka telefoonka gacanta lagu qaato waxyaabaha keeni kara khataraha caafimaad sida xanuunka kansarka (cancer) loo yaqaano.
Cilmi-baadhis kale oo ay sameeyeen wadamada Sweden, german iyo france, waxay sheegaysaa inaan wax xidhiidh ahi ka dhaxayn shucaaca telefoonada iyo caafimaadka darada biniaadamka.
Meelaha intabadan uu shucaacu ka yimaadaa maha keliya telefonada
gacanta lagu qaato, Waxaa kaloo soo daaya shucaac badan qalabada caafimaadka loo isticmaalo sida CT scan (computerized tomography) iyo MRI (magnetic resonance image).
Sidee loo qiyaaso shucaaca
Shucaaca waxa lagu qiyaasaa (Rem) oo ah nidaamka maraykanka (US) iyo sievert (SI unit), waxaana lagu qiyaasi karaa xaddiga uu nuugay jidhku ee waxyeelo samayn karo. Rem waxa loo qaybiyaa millirem (mrem) iyo microrem (µrem), waxaana lagu qiyaasaa saacadiiba inta jidhka soo gasho.
Xaddiga lagu sumoobo
Xaddiga lagu sumoobo waxay inta badan u dhaxaysaa 150-350 rem, calaamadaha ugu badan ee lagu arkaana waxa weeyaan matag, tabardaro iyo timaha oo daata.
Haddii xaddiga shucaacu gaadho 460 ilaa 600 rem, waxa suurtagal ah in boqolkiiba konton dadka deegaankaa ku nooli ku dhintaan mudo 30 cisho ah. Haddii xaddiga shucaacu dhaafo 1000rem waxa la qiyaasaa in boqolkiiba boqol dadka ama deegaanka waxyeelo ka soo gaadho.
Wadamada dunida tusaalayaasha loo soo qaato waxa ka mid ah wadanka Belarus la yidhaah ee ku yaala bariga qaarada yurub, waxaana sanadkii uu sababa 4000-6000 qof oo qaba kansarka cunaha ku dhaca iyo 15 dhimasho ah.
Saamaynta caafimaad ee uu leeyahay shucaacu
1. Kulaylka jidhka oo kordha: Kulaylka uu keeno telefoonka gacanta ee la isticmaalo wuxuu ku dhacaa intiisa ugu badani madaxa qofka, wuxuuna kiciyaa ilaa 1 centigrade oo kulayl ah (temperature).
2. Waxa kale oo kordhi kara cadaadiska dhiiga ee indhaha ku wajahan, tana waxay keeni kartaa inuu qofka ku dhaco xanuunka indhaha ku dhaca ee caadka la yidhaa (cataract).
3. Cilmi-baadhista qaar waxay tusineysaa in shucaaca telefoonka gacantu marka uu bato uu sababi karo in dheecanka albumin maskaxda ku badato tanina ay samayn karto xaalado caafimaad daro oo ku yimaada xuubka yare ee maskaxda dahaadha ee la yidhaah blood barin barrier (BBB).
4. Timo daadasho ama bidaar, xaddiga ugu badan ee timuhu ku daataan waa ilaa 200 rem qiyaasta shucaaca.
5. Suuxdin ka timaada maskaxda ama dhimasho maskaxda ah, xaddiga shucaacu marka uu gaadho 5000 rem iyo wixii ka badan.
6. Wuxuu hoos u dhigaa unugyada dhiiga cad ee jidhka biniaadamka Haddii xaddiga shucaacu soo gaadhaba 100rem, tani waxay sababtaa in difaaci jidhku yaraado qofkuna uu dareemo calaamadihii hargabka (duray) oo kale sida xumad, qufac iyo tamardaro.
7. Shucaacu wuxuu dili karaa wadnaha iyo tuunbooyinka dhiiga qaada Haddii uu gaadho 1000 ilaa 5000rem.
8. Shucaacu wuxuu waxyeeli karaa dheefmareenka marka uu gaadho 200rem isagoo sababaya Shuban iyo matag dhiig la socdo.
9. Shucaacu wuxuu dhaawac u geysan karaa xubnaha taranka ee ragga iyo dumarka qiyaas aan ka badnayn 200rem, dhaawacaasi wuxuu ku danbeeyaa madhalaysnimo (sterility).
10. Tamardaro iyo daal
11. Maqaarka oo casaada
Talooyin Caafimaad
· In birta anteenada telefoonka laga fogeeyo 100 mitir degaanka la degan yahay
· In la sameeyo waax ka mid ah tayada (quality control) oo hubisa shucaaca ay soo daayaan walxaha ay ka midka yihiin telefoonada iyo agabyada kale ee caafimaad.
· In la sameeyo wacyigelin caafimaad oo khusaysa Khatarta shucaacu leeyahay
· In sharci laga soo saaro xaddiga shucaac ee shirkaaduhu isticmaali karaan, lala socdona shucaaca ay hawada ku sii deynayaan.
· In la sameeyo cisbitaalo lagu daweeyo dadka shucaacu waxyeeleeyay
· In cilmibaadhis rasmiya la sameeyo taasoo lagu ogoon karo Khatarta shucacu heerka ay ka gaadhsiisan tahay Somaliland
waxa qoray Dr. Abdirahman M. Osman
Abdirahman Moh <ileeye01@hotmail.com