WAJAALE NEWS

XOG CULUS ; Gudoomiye Cirro Iyo Doorkii Uu ku lahaa In G,Wakiiladu Indho La,aan Ku Meel Mariyo Heshiiska Dekeda Berbera + Rajo Xumada Siyaasadeed Ee Soo Food Saaray Xisbiga Wadani.

MAXAA KA JIRA IN GUDOOMIYE CIRO SHIRAR QARSOODIYA LA YEESHAY WASIIRKA MADAXTOOYADA IYO WACAD FURKII XILDHIBAANADA REER SAAXIL!!

HARGAYSA(Wajaalenews) Gudoomiyaha golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa door muhiimada ka qaatay in aqalka madaxtooyada somaliland u fududeeyo  in si indho la,aan lagu meelmariyo heshiis dekada bebrbera oo ay ka muuqdeen madmadow faro badan kaasi oo  xukuumada silaanyo la soo gashay shirkada laga leeyahay dalka Emaaratka carabta ee lagu magacaabo DP,

Hadaba heshiiskan ayaa markii uu madaxwayne siilaanyo usoo gudbiyay golaha wakiilada gabi ahaanba aan lasoo marin sharci yaqaanka golaha wakiilada  sidoo kalena  aan lasoo mari gudida joogta ee isla golaha wakilada

Hadaba xogo muhiima oo arimaha ku taxa luqa ayaa bedka soo dhigay in gudoomiyaha xisbi wadani Cabdiraxmaan ciro in uu shirar qarsoodiyfa la yeeshay  wasiirka madaxtooyada iyo marwada madaxwaynaha marwo Aamina Waris ka hor intaan heshiiska loo soo gudbin golaha wakiilada taasi oo ay wararku tibaaxeen in ay wada galeen heshisyo hoose oo kutaxa luqa in labada masuul ee xiligan ugu awooda badan dalka ay fareen in aanu ka hor iman danahooda taas badalkeena ay la barbar istaagi doonaan hiil iyo dhaqaale xiliga doorashada,

sidoo kala gudoomiye ciro ayaa shir gaara la galay xildhibaanada beeshiisa kuwaasi oo u ku war galiyay in aanay ka hor iman ansixinta heshiskan qabyo qoraalkanah ee  lagu dhaxal wareejinayo dekeda berbera.kaasi oo aanay wali caday danta ugu jirta xisbigiisa iyo qaranka ay masuuliyadi ka saaran tahay,.balse xogo hoose oo aanu ka helnay ayaa tibaaxay in uu qaatay dhaqaale iyo balan qaad siyaasadeed oo la xidhiidhi sidii ay beesha siilaanyo cod usiin lahayd xiliga doorashada madaxwyanaha.

dhanka kale gudoomiye ciro ayaa ku wacad furay balan ay isku  ogaayeen xildhibaanada reer saaxil oo uu hormuud uhaaa xildhibaan siciid cilmi rooble kaasi oo uu gabi ahaanba dhacal maray  isaga iyo xildhibaanada xisbigiisa oo kor u dhaafaya 22 xildhibaan oo ay hadii ay kasoo hor jeestaan ay muhiim ahaan lahayd.

sikastaba ha ahaatee gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa lumiyay rajadii siyaasaded ee laga qabay in xusbiga wadani oo laguaamini karo talada dalka iyo  in uu yahay  xisbi ugu awooda badan ismarkaana laga fili karo rajo dhaanta ta reer somaliland ku jiraan xiligan balse hogaanka xisbigaa ayaa umuuqda mid aan ku shaqaynay rabi taanka shacbiga iyo qawaaniinta dalka taasi oo ay fashilisay sida indho la,aanta ah ee uu barbar istaagay kooxaha denaga gaarka wata ee ay gacanta u gashay awoodii dalka .

lumiyayna taageeradii shacbiga reer somaliland iyo guud ahaan xisbiga wadani ka qabeen shacbiga reer somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE;  HASAN CALI

 

 

 

Exit mobile version