WAJAALE NEWS

Roob Dabaylo Iyo Dufaano Xoogan Watay Oo Ka Da’y Degmada Saylac.

Hargeysa(WJN):-Warar naga soo gaadhaya degmada Saylac soona gaadhay xafiisak shabakadda Wararka Ee Wajaalenews ayaa sheegaya in roob dabaylo iyo duufaano wataa uu ka da’ay magaalo xeebeedka Saylac.

Waxaana roobkan dabaylaha watay la sheegay inuu kasoo kacay dhanka waqooyi ee badda,isaga oona da’ayay wakhti ku siman saacad in leeg.

Roobkan ayaa waxa uu gaystay inta la ogyahay khasaare hantiyeed oo gaadhay 30 guri kuwaasi oo  isku jiray hanti dawladeed iyo kuwa shicib leeyihiin,wallow sida la sheegay uu roobkani ahaa mid wayn oo dabaylo wata haddana lama soo sheegin khasaare nafeed.
wixii warara ee ka soo kordha waxan idiinku soo gudbindonaa wararkayaga dambe

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version