WAJAALE NEWS

Hay’adda UNICEF Oo Hargeysa Ku Qabatay Shir Sharaf Dhac Ku Ah Qaddiyadda Somaliland.

Hay’adda UNICEF Oo Hargeysa Ku Qabatay Shir Sharaf Dhac Ku Ah Qaddiyadda Somaliland. Oo Ay Ka Qayb Galeen Dad Ka Socday Gobolada Dalka Somaliya ,Xubnihii Somaliland Uga Qayb Galayna Ku Fadhiisiyey Magaca Gobolka Waqooyi Galbeed,

Hargeysa(Wajaalenews) Shir saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey ka socday huteel ambassador ee caasimadda hargeysa oo ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobey ee UNICEF xafiiskeeda Somalia/Somaliland ayaa waxa uu dhaawac wayn soo gaadhsiiyey qaddiyadda madax-banaanida Somaliland kadib markii si wayn loogu bahdiley shirkaasi meeqaamkii Somaliland,kana dhigay maamul goboleed soomaliya kamid ah.

Shirkan oo ku aadanaa mashruuca loo yaqaano WASH oo saameeya dhinacyada waxbarashada, caafimadka, iyo nadaafada biyaha ayaa waxa hay’adda UNICEF ay si rasmi ah shirkan ugu qabatay gobolada dalkaasi somaliya oo ay sheegtay inay ku jiro Somaliland oo ay si badheedha ugu soo casuumeen inay kaga qayb gasho gobol soomaliya kamid ah, iyada oo ay shirka soo cammireen xubno ka kala socday gobolada dalkaasi soomaliya oo ku kala abtirsada saddexdaa eeriyo ee mashruucani ku saabsanaa.

Sida wargeyska Foore ku helay xogo shirkan ku saabsan waxa dhacday in maalintii shirkaasi furmay oo ahayd dorraad salaasaddii, markii la xaadirinayay ka qayb galayaasha in qadar is afgaran waa ahi ka dhacay goobta, kadib markii masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada ee gobolada dalka somaliland laga horjoogsaday inay shirkaasi ka qayb galaan iyada oo saraakiisha shirka wadday ee UNICEF ku war geliyeen in shirka ay fadhiyaan dad wasaaradda waxbarashada ka socda oo hargeysa kasoo galay sidaa darteed ay iyagu Somaliland matalayaan oo ay u qaateen gobol ahaan waqooyi galbeed waxiii loo yaqaanay,taasoo keentay in ka qayb galayaashii waxbarashada ka socday isaga soo dareeraan shirkii,dacwadna u gudbiyeen masuuliyiinta wasaarada waxbarashada Somaliland, balse ay shirkaas fadhiyeen kuna hadheen xubno ka socday  wasaaraddaha caafimaadka iyo biyuhu.

Ilaa hadda xukuumaddu wax talaabo ah kama ay qaadin shirkaasi oo sidiisii caadiga ahayd iskaga sii socday wakhtigii loogu tala galay,lana filayo inuu maanta soo gaba-gaboobo.

Inkaste oo intii ay Somaliland jirtay mashaariicda hay’addaha qaramada midoobey ee ku aadan waxii laysku odhan jiray somaliya ahaa mid lagu saleeyo saddexda qaybood ee kala ah Somaliland,Puntland iyo koonfurta soomaliya,hadana kani waxa uu u muuqday mid wakhtigan si wanaagsan ula jaan qaadaya hanaanka ay u shaqayso ama ay Somaliland ku sheegto maamulka magaalada muqdisho,wakhti dalkaasi somaliya uu shalay oo u danbaysay ka hadlayay in Somaliland ay kamid tahay go’ layaasha ay dhisanayaan.

Xukumadda madaxwyane Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay talada dalka timid waxa si wayn hoos ugu dhacay meeqaamkii kala xaddaysnaa ee ay Somaliland kaga xuub siibatay sheegashada dalkaaasi soomaliya kadib wada hadaladii ay la furtay oo keenay doc faruur yasid ah oo dhinacyo badan ka dhaawacaya qaddiyadda dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Xukumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa inay caddayso shirkan hay’adda UNICEF ku qabatay caasimada hargeysa ee sida wayn uga soo hor-jeeday qaddiyadda Somaliland iyada oo aan la ogayn sababta keentay in dadkii laga soo casuumay wasaaradaha Somaliland qaarna dhex fadhiyeen shirkaasi qaarna kasoo yaaceen.

Qaar kamida xafiisyada UNICEF ee hargeysa oo xalay khadka telefonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in shirkaasi jirey balse aanay iyagu shuqul ku lahayn kana gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan,sidoo kalena waxay ka gaabsadeen inay na siiyaan telefoonada ciddii hawsha u qaabilsanayd oo aanu doonaynay inaanu wax ka waydiino arinka shirkani.

WAJAALENEWS DESK

Xigasho Foore

Exit mobile version