WAJAALE NEWS

GARTA EEXO LAMA NAQO ;CALI GURAY,

Horta aniga cidna isma haysano. Waxa is haysta Ilma Cali Xuseen oo aan abti u ahay labadoodaba. Sanadkii 2012kii wax yar ka hor doorashadii Golayaasha Degaanada ayay heshii laba dhinac ah wada galeen. Faysal oo markii laga faro maroojin kari waayay UCID lagala hoos baxay oo lagala guuray iyo Jamaal oo garbadiiri nin daguugan ma waydo eh markii Udub uu Dahir Rayaale Cali Warancadde uga hiiliyay iyo Faysal oo cidla ciirsila lagaga guuray oo xaalkiisu yahay GORGOR HAYGU CUNO WAANIGAA GOOB XUN YUURURA EH. Labadooda oo isu baahan ayaa markii ugu horaysay ku kulmay magaalada Dubai aniga iyo Maxamed Haaruunba goobjoog baanu nahay markaa fursad UCID lagu bedbaadin karayaana way noo muuqataa oo si fiican baanu aragnaa hadii Jamaal iyo Faysal is aamini karaan oo midba ka kale u hiiliyo oo Jamaal Faysal u hiiliyo oo Cirro uga hiiliyo Faysalna Jamaal u hiiliyo oo Daahir Rayaale iyo Udub uga hiiliyo. Labaduba markaa way arkeen inay isu baahan yihiin hadii ay heshiiyaana ay wax iska celin karaan.

Ilaahow waad ogayd markii aanu Hargaysa wada nimi ee in heshiiskii aanu dhamaystirno ayaa dadkii waxgaradka ahaa gaar ahaan Faysalna iga yaqaanay mid waliba hoos iila faqay waxay i waydiinayaana waa sua’aal keliya; waar Cali sideed u aamini kartaa Faysal aroorta marka xisbigu soo baxo miyaad hubtaa in Jamaal aanu kaga bixi doonin oo ilaa musharaxnimada aanu ku qabsan doonin?

Ma jecli in aan sheekadii dheerayd ee la isla soo maray idinku daaliyo laakiin maanta heshiiskii ay wada galeen Jamaal iyo Faysal wixii Faysal qaatay ee uu ku qancay ee uu Heshiiska ku galay ee isagu saxeexay aniguna ku dhexdhexaadiyay labadooda dhinac hogaamiye dhawameedkoodii oo musdambeed u ahni ku dhex joogeen ee mid waliba ogolaa ee faataxa la yidhi Jamaal kuma haysto cadkii Faysal qaatay maalina uma hunguroonin lakiin waxa la isku qabsaday ee khilaafka UCID ka bilaabmayay waa cadkii raacay Jamaal marka aynu heshiiskii ay wada galeen dib u eegno oo maanta Faysal dib ugu hungurooday oo uu doonayo inu sifir diro Jamaal uu yidhaa cadkaygii iyo cadkaagiiba anigaa wada leh. Garmaqaate Faysal Cali Waraabe tol iyo xisbi cid kasta oo wanaagiisa jeclayd ka joog bay tidhi oo wuu ka diiday oo quus bay iska soo taageen ugu dambaystiina waa la iskaga wada dhaqaaqay. Halkii uu maalintii hore yaalay cidla ayay ahayde maantuu ka sii daran yahay oo cidla ciirsila tahay hakuu sahansaday ee isagu is dhigay. Bal eega inta ku xeeran. Maaha kuwii Xisbiga la dhiciyay ee UCIDii hore kuwii u soo gurmaday ee UCID badbaadiyay ee soo saartayna maaha lakiin waxay marag fur u yihiin CIDLA CIIRSILA FAYSAL IS DHIGAY

 

Exit mobile version