WAJAALE NEWS

Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada oo Hargaysa Ku Geeriyooday

Hargeysa -(W,N)- Allaha u naxariistee waxaa Geeriyooday Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Maxamed Faarax Xirsi.

Marxuumka waxaa geeridiisa xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Maxamed Ilkacase kaasi oo sheegay inuu maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa islamarkaana uu tacsi u dirayo Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku.

Lama sheegin xanuun agaasimuhu u yaalay cisbitaal balse waxaa geeridiisa loo malaynayaa inay kusoo boodo tahay.

Agaasime Maxamed Faarax Xirsi waxaa uu hore Xilka Agaasimaha Guud uga soo noqday Wasaarada Duulista iyo Hawada isagoo markii dambena loo badalay Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

 

 

Exit mobile version