SAYLAC (Wajaalenews) Badhasaabka gobolka salel Axmed Maxamed Xaashi ayaa sheegay shil gawaadhi oo isku dhac Laba gaadhi ahi uu sobobay k sadex qof oo dhaawac culus soo gaadhay
Badhasaabka gobolka selel oo khadka telefoonka ugu waramay Wariye Mustafe DHeereeye ayaa isagoo dhacdadan ka waramaya wuxu sheegay in ay dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen taliyihii qaybta boliska selel iyo taliye ku xigeenkiisii qaybta iyo waliba darawalkii gaadhiga qaybta bilayska Badhasaabka ayaa intaas ii raaciyay in ay xaaladoodu aad uculus tahayaliye xigeenka iyo darawalka gaadhiga booliska
Gudoomiye Axmed Maxamed Xaashi ayaa intaasi raaciyay in ilaa shalay ay ku jireen safar kormeer shaqo oo gobolka salal ah.
isagoo shilkan ka hadlaya waxa sobobay iyo goobta uu ka dhacay wuxu yidhi ; shilkan waxa sababay isku dhac gaadhiga booliska iyo gaadhi xamuul ah iyadoo ay isku qariyeen roobab dabaylo wata oo ka dhacayay jiidahaasi
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan gaadhiga xamuulka ah cidi waxba ku noqon
Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka ceel gaal iyagoo ka tegay Laanta morohda ah
Badhasaabka markii uu intaasi iiga waramay oo aanu ii dhamayn magacyada sadexda dhaawaca ah iyo nooca iyo taarikada gaadhiga xamuulka ah ayuu naga go,ay khadka isgaadhsiinta mobaylku
Waxii war ah ee intaasi ka soo kordhana la arki doonee
WARIYE Mustafe dhereye ,,