Nairobi (Wajaalenews)- Ra’iisal wasaarahii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay madaxbanaanida Somaliland ka hesho beesha caalamka maadaama ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii dawladnimo.
Mr. Odinga oo shalay jeediyay khudbad saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyaddu u leedahay qaarada Afrika ka jeedinayey xarunta Chatham House.
“Annigu shaqsiyan si weyn ayaan u taageeraa aqoonsiga Somaliland, waxaan aaminsanahay inay buuxiyeen shuruudIhii ku xidhnaa aqoonsiga.”ayuu yidhi Raila Odinga oo ka hadlay qadiyada madax banaanida Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee CORD dalka Kenya Raila Odinga waxaa uu noqonayaa masuulkii labaad ee ka tirsan siyaasiyiinta Kenya ee si rasmiya u taageera madax banaanida Somaliland.
Raila Odinga waxaa Guddoomiyaha Xisbiga Ugu mucaaridada Badan dalka Kenya waana madaxwaynihii laga guuleystay doorashadii 2007dii ka dhacday dalkaasi ee dhiiga badani ku daatay.